Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Cida Caqabada Ku Ah Amaanka Muqdisho

0
Friday April 26, 2019 - 17:35:47 in News by
  • Visits: 1710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Cida Caqabada Ku Ah Amaanka Muqdisho

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Cida Caqabada Ku Ah Amaanka Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Cida Caqabada Ku Ah Amaanka Muqdisho


Muqdisho(HWN):-gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ka hadlay cida caqabada ku ah amaanka magaalada Muqdisho.


Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee Amni xumada ka jirta magaalada ka danbeeyaan siyaasiyiin sida uu hadalka u dhigay doonaya in ay meesha ka saaraan maamulka uu guddoomiyaha ka yahay.

Image result for eng yariisow


Siyaasiyiintan uu tilmaamay ayuu ku sheegay kuwo xaasidiin ah leh dano iyaga u gaar ah, islamarkaana raba in ridaan maamulka gobolka Banaadir, ‘’Waxaa jira dhaqan ay siyaasiyiintu abuureen oo wax walba la siyaasadeynayo.. Amnigii la siyaasadeynayo….Siyaasiyiin ay ka tahay xaasidnimo iyo xumeyn iyo maamulka hadda jira ha dhaco…haku guuldareysto howlaha uu hayo…ayaa ka danbeeya runtii dhibaatada magaalada ka jirta’’


Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa yiri ‘’Waxaa jira dhaqan oo laga yaabo in dhalinyarada hadda jira kusoo koreen oo mar walba loo dhaxeeya,sida hoggaamiye kooxeed ama burcad, laakin hadda lama joogo waqti la dhaho iska gaabso yeysan Al-Shabaab ku arkine,laakin anaga hadaan shacabka fahmin amni lama sugi karo ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Loading...
Loading...