"Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Haw Dhaqmin Sidii Muusihii Doraad Ahaa Hogaamiye Kooxeedka"

0
Saturday November 21, 2020 - 13:38:08 in News by
  • Visits: 1884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Haw Dhaqmin Sidii Muusihii Doraad Ahaa Hogaamiye Kooxeedka"

    "Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Haw Dhaqmin Sidii Muusihii Doraad Ahaa Hogaamiye Kooxeedka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Haw Dhaqmin Sidii Muusihii Doraad Ahaa Hogaamiye Kooxeedka"

Hargeysa(HWN):-Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si adag ugu dhaliilay madaxweyne Muuse Biixi inuu ku guul daraystay midaynta shacabka Somaliland.

siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Muuse Biixi loo baahan yahay inaanu u dhaqmin qaabka hogaamiye kooxeedkii uu shalay ahaa balse looga baahan yahay inuu isku soo dhaweeyo shacabkiisa, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi


waxaan caad iyo ciiro toonna saarayn, in kala qaybsanaanta bulshada Somaliland gaadhay, meeshii ugu xumayd muddo xileedkii madaxweyne Muuse Biixi. Adkaynta midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland, waa masuuliyad saaran dusha iyo dumada madaxweynaha. Nasiib darose, waxaa seegay madaxweynaha in uu ummadda uu odayga u yahay, ururiyo oo aanu kala irdhayn. Saaxiibkay madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay, mudane madaxweyne haw dhaqmin sidii Muusihii doraad ahaa, hogaamiye kooxeedka. Balse, u dhaqan sidii aad bulsho weynta Somaliland oo dhan aad hogaamiye u wada tahay, mid ku neceb iyo mid ku jecel, mid ku ogol iyo mid ku diidan, mid kuu codeeyay iyo mid kaa codeeyay intaba.
Image may contain: 3 people, people on stage, people sitting and indoor

Loading...
Loading...