Guddida Doorashada Oo Maanta Shaaciyey In Dib Loo Furay Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha

0
Saturday November 21, 2020 - 13:26:59 in News by
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Doorashada Oo Maanta Shaaciyey In Dib Loo Furay Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha

    Guddida Doorashada Oo Maanta Shaaciyey In Dib Loo Furay Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Doorashada Oo Maanta Shaaciyey In Dib Loo Furay Diwaan Gelinta Codbixiyayaasha


Hargeysa(HWN):-Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo la filayo in dhammaadka bishan dib uga bilaabanto dalka.

Munaasibadii lagu dib loogy furayey diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb galay xubnaha Komishanka doorashooyinka qaranka, Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada, Xukuumadda iyo ururrada bulshada.

Diiwaan gelinta ayaa ujeeddadeedu tahay sidii ay isu diiwaan gelin lahaayeen dadkii aan hore isu diiwaan gelin, kuwa imika gaadhay wakhtigii ay qaadan lahaayeen kaadhadhka diiwaan gelinta iyo kuwa Kaadhadhku ka lumeen amma laba jeer wax ka badan si diiwaan geliyey ee kaadhku ka xumaaday

Wejiga 1aad ee dib u furista diiwaangelintuna wuxuu 29ka Nov. 2020 ka bilaabmayaa guud ahaa. Gobolka Awdal, degmada Sallaxley, degmada Balligubadle iyo degmada Gabiley

Image may contain: 3 people, people sitting

Image may contain: text that says 'NEC ADCHUURIYADDA SOMAULAND KOMISHANKA DOORASHOOYINKA QARANKA REPUBUCOR SOMALILAND NATIONAL ELECTORAL COMMISSION Xafladda Dib-ufurista Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Voter Registration Launching Event'

Loading...
Loading...