"Waxa La Gaadhay Wakhtigii La Dumin Lahaa Darbiga Kala Qaybsanaanta Burco"
Hargeysa(HWN):-Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyada, sheegay in loo baahan yahay in la dumiyo wax uu ugu yeedhay Gidaarka dhalanteedka ah ee ka dhex samaymay Burco.
Maxamuud oo qoraal uu baahiyey kaga hadlayey khilaafkii xulka Gobolka Togdheer, ayaa yidhi "Aramida qaybsanaanta Burco iyo Bari ka jirtaa, waa mid ka gun dheeris qabqabsiga dhaliinyarada ciyaartooyda ah. Sidaa darteed, aniga iyo rag badan oo kale waxaa na seegay, in aanu gidaarka dhalanteedka ah, ee ka dhex samaysmay Burco iyo dhulka bari ka xiga aanu qaadno, oo qodaxda iyo qaniinka ka idlayno, qolqolka qaraabada iyo qoysaska wada dhashay. Darbigii dhabta ahaa ee lagu kala qaybiyay magaalada Baarliin, dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida. 45 sano ka dib, rag baa dumiyay duhur cad, iyaga oo ay daawanayaan dalalkii danta mooday ee Maraykanka, Ingriiska, Faransiiska iyo ruushku. Haddaba, Waxaan leeyahay wixii rag u kaco, rabina aqbalo way rumoobaan."