Khasaaraha Itoobiya Ka Soo Gaadhay Dagaalka Tigrey-ga Iyo Khudbadii Madaxweynaha Maamulka Tigreeyga

0
Saturday November 21, 2020 - 13:18:37 in News by
  • Visits: 2477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaaraha Itoobiya Ka Soo Gaadhay Dagaalka Tigrey-ga Iyo Khudbadii Madaxweynaha Maamulka Tigreeyga

    Khasaaraha Itoobiya Ka Soo Gaadhay Dagaalka Tigrey-ga Iyo Khudbadii Madaxweynaha Maamulka Tigreeyga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaaraha Itoobiya Ka Soo Gaadhay Dagaalka Tigrey-ga Iyo Khudbadii Madaxweynaha Maamulka Tigreeyga



Hargeysa(HWN):-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Jiidda Hore ee Goobaha dagaalladii ugu dambeeyey ka dhacayaan waddanka Itoobiya ayaa sheegaya in ciidamada Federaalka Itoobiya khasaare laxaad leh loogu gaystay iska hor imaadyadii ugu dambeeyey kadib markii ciidamada Itoobiya lagu sameeyey shirqool layaab leh oo warbaahintu illaa imika hadal hayso kaasi oo loogu gaystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo maxaabiisba leh.



Subaxnimadii Khamiistii ayaa cutubyo ka tirsan ciidamada Dawladda Federaalka Itoobiya oo weerar baaxad leh ku qaaday ciidamada TPLF ee Maamulka Tigraay waxa ay la kulmeen khasaare aad u ballaadhan kaasi oo noqonaya kii ugu xumaa ee ay la kulmaan Ciidamada Dawladda Itoobiya tan iyo markii dagaalku qarxay laba wiig ka hor.


Sida ay ku warramayaan qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, Ciidamada weerarka ahaa ee dawladda Itoobiya ayaa inta deegaamo ay ku sugnaayeen ciidamada TPLF looga baxay, lana miineeyey waxa lagu sameeyey weerar dhabar jabin ah oo saddex Jiho ah halka saldhigyadii Miinaysnaa ee ay galeen lagu qarxiyay halkaasi oo ay ka dhasheen khasaare laxaad leh oo dhimasho, dhaawac iyo maxaabiis laga qabqabtay ah. Ilo-wareedyo dagaalka u dhuun daloolaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ku dhawaad Kun askari oo dawladda Itoobiya ah maxaabiis ahaan looga qabsaday halka dagaalkaasi lagaga laayay ciidamada dawladda ku dhawaad 700 oo askari dhaawucuna intaasi ka badnaa.


"Ciidanka Itoobiya waxa ay subaxnimadii hore ee Khamiistii weerar ku soo qaadeen saddex aag oo Tigraygu lahaayeen. Saldhigyadaasi goor hore oo habeennimo ah ayay ciidamada Tigraygu ka baxeen oo ay dhamaanba miineeyeen iyaga oo aan ka fogaan ayay saddex jiho weerar kaga soo qaadeen ciidankii Dawladda oo saldhigyadii miinada lagu xidhay lagu qarxiyay oo dhaawaca iyo maydadka guranaya halkaasi oo dagaal adag lagu soo qaaday kadibna khasaarahan baaxadda leh la gaadhsiiyay” sidaa waxa warbaahinta u sheegay Yuhannas Gabremaskel oo ka tirsanaan jiray ciidamada dawladda wakhtiganna ah sarkaal hawlgab ah.


Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka Tigraay ahna Guddoomiyaha Ururka TPLF Dr. Debretsion Gebremichael oo shalay warbaahinta maamulkiisa la hadlay isaga oo qoorta ku soo duubtay macawis uu ku sheegay in ay tahay kafankiisa ayaa sheegtay khasaaraha ay gaadhsiiyeen ciidamada Itoobiya sidoo kalena farriina u diray shacabka Tigray iyo guud ahaan waddanka Itoobiya waxaana hadalladiisii oo aan idiin soo turjunnay ka mid ahaa kuwan: "Waxaan ula dagaalami doonnaa sida ugu habboon ee aanu ku baabi’in karno. Waxa ay soo galeen dhul aanay garanayn maadaama ay ahaayeen ciidamo laga soo ururiyay deegaamo kale oo aan dhulkan u dhalan. Waxa aanu ciidanka Itoobiya ka dilnay Kun iyo shan Boqol oo askari. Waxaanan ka qabsannay laba Kun oo maxaabiis ah, dhaawaca ma tirin karno. Weerarka ay soo qaadayaan maalin walba waa ay ku jabayaan illaa hadda waanay kala firxanayaan intooda badani. Ciidanka Tigraay waxa ay yihiin kuwo difaacaya dhulkooda oo aan cidna weerar ku ahayn taasi ayaa ah sirta guusha illaa imika aanu dagaalka ka gaadhnay”. Ayuu yidhi Madaxweynaha deegaanka Tigraay oo macawis qoorta ku soo duubtay waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii wata: "Waxaanu bilaabaynaa weerarro dhinaca madaafiicda ah oo cusub oo aanu ku garaaci doono magaalooyinka Amxaarada iyo Ereteriya oo ah kuwa noo muujiyay cadaawadda weyn. Esayas Afawerk iyo ciidanka xisbiga barwaaqada ee fashiiste Abiy Axmed waxa aanu ula dagaalamaynaa si naf-hurnimo ah waxaanay ku qasbanaan doonaan in ay degdeg u jabaan. Waxa aanu samaynaynaa taariikh cusub oo tii hore la mid ah. Dadkeenu way dagaalamayaan illaa ay guusha helayaan. Kan soo duulay wuxuu bilaabay dilka iyo dadka aan waxba galabsan. Abiy waa Cadaw waanan aasi doonaa si kasta oo uu caawimaad uga helayo Isayas Afwerki” ayuu yidhi Madaxweynaha Maamulka Tigraay Dr. Debretsion Gebremichael oo shalay hadal dheer ka sii daayay warbaahinta Tigreega.


Dhinaca kale Dawladda Itoobiya ayaan iyadu wali wax faahfaahin ah ka bixin khasaarahan la sheegay in loo gaystay ciidamadooda dagaalka kula Jira Tigrayga waxaanay ku koobsadeen wararkii ugu dambeeyey oo ay ku sheegeen in Tigraygu weeraro madaafiic ah shalay oo Jimce ahayd ku qaadeen Magaalooyin dhawr ah oo ku yaalla deegaanka Amxaarada. Ciidamada dawladduna wali sii wadaan weerarkooda is daba joogga ah ee ay ku qaadayaan aagagga ay fadhiyaan ciidanka TPLF.

Loading...
Loading...