Inaalililaahi Wa Inaalilaahi Raajacuun, Ku Darso Taariikhnololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B] TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
INAALILILAAHI WA INAALILAAHI RAAJACUUN, {KULI NAFUSUN BIDAAQATUL MAWAD] AHUN.
Waxan ku darsanayaa taariikh nololeedkii Marxuum Cumar Carte Qaalib, dhacdo anigu aan markhaati u ahaayo tilmaamaysa naxariistiisii iyo waxtarkii uu ummada u lahaaba.
Dad badan oo reer somalilaan ah oo manta ku kala nool daafaha caalamka ayuu badbaadiyey markii u danbeysay ee DAWLADII Ali Mahdi u magacawday Rayiisal Wasaaraha Somalia.
Waxan horjooge ama Munduub isxilqaamay u ahaa dadkii Somaliyeed ee Kuweyd ka soo qaxay markuu qabsaday,Sadam Hussienkii Iraaq.
Waxnu ku soo galay dalka URDUN [JORDAN MAGAALADA CAMAAN] dad tiro ahaan 547 Qof ah oo ka kooban xaasas iyo qaar fardiyahba.
Xaasasku waxay ahaayeen 30 qoys, waxa ku jiray qaar ku dhashay SAHARAH U dhaxeeya IRAAQ IYO URUDUN.
Haddaba aan ku noqodo dhacdadii uu naga caawiyey ALLE HA U NAXARIISTEE MARXUUMKU WAXAY AHAYD:
Isgoo wefti ku maray carabta uu markaa marayey dalka SUURIYA, Ayaan helay Faxkii gurigii martida ee lagu soo dejiyey waxana I soo siiyey Gudoomiyihii Ardayda ee Joogay magaalada DIMISHIQ waa Caasimad Suuriya.
Xaaladayadu waxay markaa joogtaa 48 saacadood ka dib in naloo qaado XAMAR Haddii aanaan ka bixin dalka.
A.H.U.N ee wuxu I yidhi ii soo hel faxka AMIIRKA URDUN Waxaanan ka helay Mulkiilahii HUDHEELKII aanu deganayn,oo la odhan jiray MAQSUURA,waanan u diray.
Waxay ahayd ilaa 10kii habeenimo, aroortii markii waagu beryey waxaa nugu soo waabariistay baabuur iyo Ciidan beleys ah.
Anagoo markaa u qaadanay in madaarka nala geyn doon si XAMAR naloogu mastaafuriyo,
Ayey ASKARTI ANIGOO QUDHA II YEEDHEEN INA WEYDIIYEEN XAGEED KA HESHAY CANWAANKA AMIIRKA?
Waxan ku idhi ka eeg dhaaragterga.{directory].
Alxmdulilaah waxba imay odhan kale waxay iga saxeexeen warqad, inaan ka bixin dalka ilamaa qofka ugu danbeeya dadkan uu ka baxo DALKAYAGA.
Wuxu Marxuumku ku soo qoray fagaxka, [DADKANI WAA ILMAADEERADA OO REER BIN HAASHIM AH EE CAAWI].
Sidaas ayaanu ku nabadgaly ilamaa aanu ka dhamaanay URDUN.
Waxan hubaa caawa in badan oo ka mida dadkaasi inay joogaan YURUB,AMEERKA IYO SOMALILAANBA.
WAXAAN IDINKA CODSANAYAA INAAD FAATAXADA U SOO MARTAAN.
INAALILILAAH WA INAALILAAHI RAAJACUUN.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!