Qoorqoor Iyo Madaxweynihii Hore Ee Galmudug oo kulan yeeshay

0
Saturday November 21, 2020 - 09:20:08 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoorqoor Iyo Madaxweynihii Hore Ee Galmudug oo kulan yeeshay

    C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Qoorqoor ayaa boggaadiyay ka miro dhalinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Qoorqoor ayaa boggaadiyay ka miro dhalinta




Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

 

Kulanka ayaa markiisii hore waxaa uu ahaa Is xog-warraysi, kadibna waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalka uu marayo, tan Galmudug iyo Arrimaha Doorashooyinka dhacaya 2020/2021.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Madaxweyne Qoorqoor ayaa boggaadiyay ka miro dhalinta arrimaha Dib-u-heshiisiinta ee ka sameeyay deegaana Maamulka, dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Sidoo kale Madaxweynihii hore Galmudug ayaa Qoorqoor uga mahadceliyay dadaalkii uu ka qaatay heshiiskii rasmiga ahaa ee Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka gaareen doorashada dalka.

 

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay khamiistii lasoo dhaafay, isagoo in muddo ah ka maqnaa, isla markaana haatan kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.


Lis Dairy
Loading...
Loading...