Gudida Guud Ee Beelaha Garxajis Oo Ka Hadlay Socdaal Ay Ku Tageen Gobolka Togdheer.

0
Saturday November 21, 2020 - 09:28:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudida Guud Ee Beelaha Garxajis Oo Ka Hadlay Socdaal Ay Ku Tageen Gobolka Togdheer.

    "dadkana waxaanu u sheegaynaa inay marka hore diyaar garoobaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"dadkana waxaanu u sheegaynaa inay marka hore diyaar garoobaan"

Burco, (HWN)- Guddida guud ee beelaha Gaxajis oo socdaal ku joogay maalmihii ugu dambeeyey Magaalada Burco ee xarunta gobolkaTogdheer, ayaa sheegay inuu socdaalkoodaasi daaranaa wacyigelinta diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland, taas oo dalka ka bilaabmaysa maalmaha soo socda

 

Guddidan Garxajis ayaa la sheegay intii ay ku sugnayeen Magaalada Burco inay kullamo la xidhiidha arrintaas ay ku qabteen Magaalada Burco,waxaanu sheegay Suldaan Caddo Gudde oo arrintaas ka hadlaya sidan:-" Socdaalkayagu gobolka Togdheer wuxuu daranaa xog-ogaal u noqoshada xaaladaha diiwaangelineed iyo bulshada gobolka Togdheer siday ugu diyaar garobeen iyo xaaladu siday tahay ayaanu u soo baxnay,waxaanu ku arragnaa xaaladihii markii aanu u guur-galnahay waxa ka jira doog raac wax la yidhaah deyr-tii ayaa gobolkan seejisay oo bulshadii aanu la kulanay in baddan oo kamid ahi waxay aaminsan yihiin in gobolka dib loogu dhigo diiwaangelinta doorashada, sababahaa doog reeca awgii iyo deyr waaga.”ayuu yidhi Caddo gudde

 

Waxa isna halkaas ka hadlaye Xariin Jamac Yasir (Dhako Buur) oo isna kamid ah guddida beeshaasi Garxajis waxaanu ugu baaqay bulshada inay is-diiwaangeliyaan "Diiwaangelinta iyo kaadh qaadashada iyo u diyaar garowga dadkii in aanu is dhigan ama guura ama oola ama magaalo ku jira,qof wallowba ama cid wallayba iyo ardaa wallowba gobolka Togdheer gobolka guud ahaan iyo gobolada kaleba u diyaar garooba diiwaangelinta doorashada.” Ayuu yidhi oday Xariir Dhaka Buur

 

Geesta kalene Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar ayaa ka xog-warramay ujeedada socdaalkooda "Ujeedadi aanu halkan u nimi waxay ahayd diiwaangelinta iyo kaadh qaadashadeeda iyo sidii loogu diyaar garoobo lahaa arrinkaasina si wacan ayuu u dhacay dadka waan ku wacyigelinay shirar baddana waanu ka qabanay , dadkana waxaanu u sheegaynaa inay marka hore diyaar garoobaan oo ay u diyaar garoobaan inay kaadhadhka qataan oo is diiwaangeliyaan, marka dambena doorashada ay ka qayb-qataan meel kastaba ha joogaane ayaanu dadka gobolkan iyo gobolada kaleba aanu dhammaan u sheegaynaa ku wargelinaynaa in loo diyaar garoobo oo la qaato,waa marka qudha ee dadka talada dib loogu soo celiyo ee loo baahan yahay inay ka fa’iidaystaan.”

 

Dhanka kalene Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland sheikh khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa mar uu khudbad ka jeedinayey Magaalada Gabiley wuxuu ugu baaqay culimada inay is diiwaangeliyaan oo ay qaataan kaadhadhka codbixinta "Culimay hablo iyo rag-ba in aynu is diiwaangelino oo dadka wanaagsana aynu doorano oo dadka aynu ku ognahay khayrkana aynu doorano oo ay hormood inoo noqdaan oo ay ina maamulaan,waa shay waajib ah, haddi’se aad qaadan weydaan kaadhka idinkuna aad wax dooran weydaan waxaad noqonaysaan qof jooga oo aan jirin haddana .”


Loading...
Loading...