Wasiir Siciid Sulub Oo Ka Hadlay Horumarka Somaliland Iyo Soomaaliya

0
Friday November 20, 2020 - 20:59:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Siciid Sulub Oo Ka Hadlay Horumarka Somaliland Iyo Soomaaliya

    Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland,


Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland, Siciid Sulub Maxamed, ayaa si qoto-dheer uga hadlay, horumarka ballaadhan ee ay Somaliland ka gaadhay dhinacyada adeegyada asaasiga ah ee nolosha.


Wasiir Siciid Sulub Maxamed, oo ka qayb-galay qalin-jabinta dufcadii lixaad ee Jaamacada Culuumta Badda ee Berbera, waxa uu is bar-bardhig ku sameeyay adeegyada waxbarasho ee ka jira Somaliland iyo sidoo kale dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Sulub Maxamed, waxa kale oo uu ka sheekeeyay duruufiha, wakhtiyada iyo waayihii adkaa ee ay soo martay Somaliland wakhtiiyadii hore iyo horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsatay inftii ay jirtay.


"Dadka qaar baa inoo haystay markii aynu Koonfur ku darsanay ee aynu ku khasaarnay isku darsigii , ee aynu 30 sannadood kabacdi ka dhiidhinay marxalada aynu marayno ee nololeeda ama horumar ama sida laynoo liqay ee aynu gudoonsannay inaynu dariiq kasta u marro inaynu xoriyadeenii la soo noqon, Dadka qaar baa inagu qiimaynayay dad waalan oo naftoodii iyo maalkoodiiba burburiyay. Waxa is weydiin leh markaad is bar-bar dhigto sannadkii 1988 noloshii maalintaa jirtey iyo nolosha maanta ka jirta Somaliland, ee aad qiimayso halka ay Somaliland maanta marayso waxa ay dheertay Soomaaliya, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaan ba, wax isu dhaw oo ILLAAHAY simay maaha. Tacliinta uun maaha ee meel walba halkaasi baynu ka gaadhnay.” Ayuu yidhi Wasiir Sulub.

"Waxa isoo jiidatay Jaamacada Culuumta Badda iyo Kaluumaysiga, waxyaabaha aanu is weydiinay ayay kamid hayd labadii Qaran ee isku darsaday ma sameeyeen oo ma unkeen Jaamacad lagu barto arrimaha Culuumta Badda iyo Kalluumaysi?, waxay noqotay maya! may jirin Jaamacad lagu barto culuumta badda.

Aniga khibradayda shakhsi ahaan, markaan ku xisaabtamo wax lagu tilmaamo culuumta badda, waxa jirey Dugsi ku yaalay Xerada Marines-ka Xamar ee Dekeda oo la odhan jirey Dugsiga Dhexe ee Marines-ka. Dugsigaas oo aan anigu muddo sannad ah ku jiray oo aan qaadan jirey maryahaasi cad-cad ee nimankaasi saraakiisha ahi iminka ay qaataan intii aan baranayay ee aan halkaasi ku jirey. Dugsigaasi Dhexaa ayaa ugu sarreeyay wax bad lagu barto Soomaalidii isu tagtay. Taasina waxay muujinaysaa in aynu ka horumarsannahay Soomaaliyadii la Ictiraafsanaa ee isu-tagtay ee labada dawladood ahayd.”

Waxana gebo-gabadii Wasiirku carrabka ku adkeeyay in ummada iyo Qaranka Somaliland aanu isu ciilkaambiyayn in ay xoriyaddoodii mar kale la soo noqdeen. Waxaanu taasi bedelkeeda sheegay in ay ka Somaliland ahaan aad uga xun yihiin, in dhinicii kale ee walaalahood ee ay ka go’een aanay ilaa iyo wakhtigan keenin ama aanay la iman caqli ay iskood ugu tashadaan.

Wasiirku waxa uu sheegay in qaranka Somaliland isku tashaday, isla markaana ku tallaabsaday horumar ballaadhan oo muuqda, sidoo kalena ay xasilisay qarannimadeeda, waxa kasta oo soo wajahana ay markaasi talo iyo mawqif midaysan ka gaadhaan, halka dawladda dalka Soomaaliya aanay ku toosi karin intaasi ay Somaliland qabsatay.

Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kaluumaysigu dhiiri-geliyay dhinaca wax-soo-saarka Badda Somaliland, waxaanu sheegay in ay ka wasaarad ahaan qayb laxaad leh ka qaadan doonaan sidii dalkan iyo dadka ba ay ugu jihayn lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka badda ku duugan, waxaanu dhalinyarada usoo jeediyay inay ku dadaalaan sidii ay wax uga baran lahaayeen khayraadka baddooda iyo sidoo kale Jaamacada Culuumta Badda ee Magaalada Berbera.

Loading...
Loading...