Dr Adam Yusuf Abokor: Shaqsiyad Xor Ah Iyo Astaantii Ururadda Bulshadda Rayidka Ah Ee Somaliland.
18th-kii Noovembar 2020, waxaa dalka
Turkiga ku geeriyooday Dr Adam Yusuf Abokor oo ahaa aqoonyahan iyo hogaamiye u
dhaqdhaqaaqa horumarinta bulshadda. Dr Adam wuxuu wakhtigiisa inta ugu badan ku
bixiyey ka shaqaynta arrimaha bulshadda iyo sidii ay cod u yeelan lahaayeen
qaybaha bulshadda ka midka ah ee aan inta badan codkooda la maqlin sida
haweenka, dhallinyaradda, naafadda iyo bulshooyinka la hayb sooco.
Dr Adam Yusuf waxa uu ka mid ahaa dhallinyaraddii
aas aastay ururkii la odhan jiray UFFO oo lagu tilmaamo dhamacdii shiday
halgankii dib u xoraynta Somaliland ee SNM horseedka ka ahayd. UFFO waxa ay
waxqbadka muuqda ka sameeyey cusbitaalka Hargeysa oo wakhtigaa uu ka muuqday
dayac iyo daryeel la aan guud. Waxaa xusid mudan in Dr Adam uu ahaa agaasimaha
cusbitaalka Hargeisa (Hargisa Group Hospital) kaas oo xudun u ahaa hawlgalkii
iyo waxqabadkii dhallinyaraddii UFFO.
Dr Adam iyo kooxdii kale ee UFFO waxaa la xidhay 1982kii, iyada oo qaarkood dil lagu xukumay, qaarkoodna xabsi daain lagu xukumay. Xabsiga waxay ku soo qaateen nolol murugo badan oo cabsi, kalinimo iyo ciqaab wadatay. Dr Adam waxa jeelkii la odhan labaatan jirow laga soo daayey sanadkii 1989kii.
Dr Adam Yusuf Abokor waxaan ku bartay ka
shaqaynta arrimaha bulshadda. Wuxuu horsed ka ahaa aas aaskii iyo unkiddii
ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland. Waxaa uu kaalin weyn oo muuqata ku
lahaa dhismihii iyo hanaqaadkii ururadda bulshadda rayidka ah ee Somaliland
inta ugu magaca weyn. Dr Adam Yusuf Abokor waxa uu hormood ka ahaa
shaqsiyaadkii tacabka badan galiyey in ururadda bulshadda rayidka ah ee
Somaliland ay yeeshaan codmidaysan iyo gaboobyo ay ku midaysan yihiin intii
isku dan ahiba sida ururadda dhallinyaradda, haweenka, ururadda xuquuqul
insaanka iyo naafadda. Dr Adam wuxuu door aan la ilaawi karin ku lahaa aas
aaskii iyo hanaqaadkii gaboodka dhallinyaradda Somaliland ee SONYO. Dr Adam wuxuu
ka mid ahaa saaxiibadda dhallinyaradda Somaliland ee farsamo ahaan iyo aragti ahaanba
ka qayb qaatay abaabulka iyo jihaynta dhallinyaradda Somaliland.
Dr Adam Yusuf Abokor waxa uu ahaa samotalis ku xeeldheer isku soo dhawaynta iyo xalinta khilaafaadka. Waxaa aan markhaati ka ahaa marar badan oo uu kaalin xoog leh ka qaatay xallinta khilaafaad siyaasadeed oo soo dhex galay xukuumadda Somaliland, golayaasha qaranka iyo xisbiyadda. Tusaale ahaan sanadkii 2007-dii oo khilaaf adagi dalka ka taagnaa wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii abaabulka ka galay xalinta arrimihii taagnaa. Waxaan xusuustaa habeen aanu madaxweyne Daahir Rayaale arrimahaa ugu tagnay oo aanu wada soconay AHU Dr Adam Yuusuf Abokor, BoobeYuusuf Ducaale, prof Saleebaan Axmed Guuleed, prof Maxamed Siciid Gees, , prof Xassan Halas, Jacfar Gaada-weyne iyo AHU Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).
Waxaa iyaduna xusid mudan in Dr Adam uu kaalin
firfircoon ku lahaa hirgalinta nidaamka xisbiyadda badan iyo doorashooyinka ee Somaliland.
Waxa uu si toos ah iyo si dadban-ba ula shaqeeyay gudiyaddii doorashooyika
Somaliland ee kala dambeeyay iyo goob joogayaashii caalamiga ahaa ee
doorashooyinka Somaliland indhaha caalamka ku soo jeediyey.
Doorashaddii golaha wakiiladda Somaliland ee sanadkii
2005-kii, waxaan ka mid ahaa dhallinyaraddii la shaqaynaysay goobjoogayaashii caalamiga
ahaa ee loo diray goboladda bariga Somaliland gaar ahaan Sanaag. Dr Adam wuxuu
udub-dhexaad u ahaa qorshaynta, hawlgalinta iyo xidhiidhinta shaqooyinka goobjoogayaasha
caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.
Dr Adam Yusuf Abokor wuxuu lahaa shaqsiyad wanaagsan
iyo astaamo ka marag kacaya dadnimadiisa. Wuxuu ahaa nin degen, afgaaban oo
dabeecad wanaagsan, ixtiraam badan, dadka dhagaysta, qaybaha kala duwan ee
bulshada ku xidhan, dadka oo dhamina u arkaan inuu daacad ka yahay hawlaha
horumarinta bulshadda ee uu hayey.
Aniga iyo
koox kale oo dhallinyarro ah oo ka mid ahaa SONYO ayaa sanadkii 2006-kii maalin la sheekaystay gudoomiyaha jaamacadda
Camuud prof Saleebaan Axmed Guuleed. Prof Saleebaan waxaanu kala hadalnay
doorashadda gudidda ardayda Jaamacadda Camuud oo wakhtigaa khilaaf ka taagnaa.
Prof Saleebaan aad ayuu maalintaa noola hadlay, wuxuuna na hoga tusaaleeyey sababaha
khilaafaadka bulshadeena ku keena iyo caqabadaha dadkeena haysta. Waxaa aan si
wanaagsan u weeleeyey oo hadalkiisii ka
mid ahaa, " Dadka Soomaalidda ah inta aan aqaano, nin qabyaalad iyo dano shaqsi ah
ka xoroobay waxaan garayaa Dr Adam Yusuf Abokor”. Hadalkaasi saamayn
weyn ayuu igu reebay, maalin kasta oo aan Dr Adam sii bartana waan sii
xaqiiqsanayey inuu yahay sidaa uu Prof Saleebaan ku sifeeyay.
Dr Adam waxa uu qarankeena kaga tagay taariikh dahabi ah isaga oo wakhtigiisa ugu badan galiyey sidii arrimaha bulshadda horumar siman oo la taaban karo looga samayn lahaa (social justice). Haddaba, maxaynu ku maamuusnaa oo xusuus uga dhignaa Dr Adam?
Dr Adam wuxuu wakkhti dheer ka mid ahaa gudidda
horumarinta cusbitaalka guud ee Hargeisa oo uu ilaa hadda la shaqaynayey.
Sidaas darteed, waxaan soo jeedin lahaa in Dr Adam Yusuf Abokor loogu magac
daro cusbitaalka guud ee Hargeisa ama qaybo ka mid ah cusbitaalka.
Ilaahay waxaan uga rajaynayaa inuu Dr Adam ugu
deeqo janatul fardawsal aclaa, inaga iyo qoyskiisa oo dhana samir iyo iimaan
inaga siiyo.
Qallinkii: Dr Mohamed Yusuf Aw Ali (Culimo), London, UK.
Email: [email protected].
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!