Digniinbu Ku Siiyaye, Ninkuu Dagay Kumuu Dilin.

0
Friday November 20, 2020 - 10:16:23 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniinbu Ku Siiyaye, Ninkuu Dagay Kumuu Dilin.

    W/Q: Ismail handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail handuleh  BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

1-ADIGO DAGAAL GALAY,DEGDEG LOOMA GUUSTO,

   DURBA LAYSMA DHIIBE,DIRIRTAW U ADKAYSTO,

   DAGAAL GELIN DANBETE,DUHURKA LA GAADHAA,

   HADDAY KUU DARATO,DIBU GURASHO XEELEED.

 

2-DOQONIIMADAA XUNE,DIBUUN SOO ROGAAL CELI,

    DIGNIINBU KU SIIYAYE,NIN KU DAGAY KUMU DILIN,

    DAN MOOYEE SIYAASADI,DERISIYO WALAAL MALEH,

    DUNIDA WAAYAHEDIYO,DURUUS BAAD KA DHAXASH.

 

3-DACAR LAYSU QOOSHIYO,DABINO LAGAMA WAAYOO,

    DARAAD KUU MALEEGAAD,DALAQ ODHAN ADO MOOG,

    DAWDAMA IRMAANIYO,DABA DHEER MA KUGU DEGAY,

   TANUU DAMACSANYU WADO,AYAA KAAGA SII DARAN.

 

4-DURKA UGU ROG XARASHKO,HAKA DUDIN DALKE JOOG,

   DABIN HADDII LAGUU DHIGO,DELEBKANA  LAGUU LULAY,

   DUNTU WAYSKU XIDHAN TAHAY,XAAJADU KA DABDHEER,

   DURBAAN LAYSU TUMAYO,DOORKAN WAY KA ADAGTAHAY.

 

5-DADKUNA MAAHA KII HORE,MIDHA DARAYGA DUUDUUB,

    DEGDEG LAGU LIQSIIN JIRAY,WAA DAALACYAA SHAMIS,

    DOOXANAAYA WAXA DEDAN,DAREEMAAYA XADANTADA,

    HORE LOOGU DAGI JIRAY,DAWOOBO WAY KA RAYSTEEN.

     

                                                        ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...