Dacwadii Cumar Carte (+) Iyo Xeer Illaaye Abshir Saalax (1988)!

0
Friday November 20, 2020 - 10:04:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1962
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwadii Cumar Carte (+) Iyo Xeer Illaaye Abshir Saalax (1988)!

    W/Q: Axmed-Assad M. Awaare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Axmed-Assad M. Awaare
Labadoodaba Illaahay swt haw u naxariistee waagii Kacaanka (1988) ayaa Xeer Illaaliyii guud ee qaranka kornayl Abshishir Salaax oo deegaan ahaan ka soo jeedday degmada Widhwidh ee gobolka Cayn (Buuhoodle) loo dhiibay gal dacwadeed lagu soo oogayo dambiyo culus rag siyaasiyiin ah.



Raggaa la soo eedeeyay waxaa ka mid ahaa Cumar Carte, Ismaaciil Cali Abokor, Cumar X. Masale, Maxamed C. Jeele, Dr. Maxamed Aadan Sheek, Warsame Juquf iyo Maxamed Cali Wayrax.


Qisadaa waan u soo yara noqon doonaaye, bal aan marka hore yara togaaleeyo  mid ka midda sheekooyinkii xiisaha lahaa ee iga soo gaadhay Cumar Carte Qaalib(AHUN).


Cumar Carte Qaalib oo shalay ku laqmaday Hargeysa Illaahay naxariistii janno ha siiyee wuxuu ahaa Wasiirkii A/Dibadda ee dawladdii Kacaanka 1974. Markay Soomaaliya codsatay inay ku biirto jaamacadda Carabta waxaa diidanaa dhawr dal oo ay Suudaan ka mid tahay, iyagoo ku doodayay in aanay Soomaalidu Carab ahayn oo xitaa Af-Carabiga ku hadlin.


Wasiir Cumar oo ahaa nin cas oo dheer oo haybad iyo lixaad eebbe ku manaystay, ayaa shirkii Jaamacadda Carabta ka jeediyay gabay Af-Carabi ah oo uu isagu alifay. Cumarna aad buu ugu xeel dheerraa mucda Af-Carabiga iyo suugaantiisaba.


Markuu qudbaddii iyo gabaygiiba dhammeeyay ayuu Madaxweynihii Suudaan (Ahun) Jacfar An-Numeyri oo ahaa nin madaw oo soo shabaha midabka sawaaxiliga ayaa la sheegay inuu Cumar kula kaftamay "walaalayaal carabeey, aniga iyo walaalkay Madaxweyne Jacfarka Carabnimada noo diidan horta kaayagee Carab u eg?"kkkkk


Waxaa la sheegay in hoolkii shirka sacab, qosol, uugaan iyo sawaxan mar qudha is qabsadeen! Maalintaa kadib, laba Cali oo dambe isma weydiin Carabnimada Soomaalida Cumar dabaddii!


Dhanka kale, Xeer illaaliye Abshir Saalax oo ahaa nin saaxibul cibaaddo ah, oo qaaru'ul qur'aan ah, ayaa iska diiday in dacwad uu arkayay xaq-darro lagu soo ooggo Cumar Carte iyo raggii siyaasiyiinta ahaa la xidhnaa oo ay ku jireen Madaxweyne ku xiggeenkii hore Ismaaciil Cali Abokor oo reer Waqooyi ahaa iyo wasiirkii gaashaandhiga Cumar X Masale oo ay Madaxweyne Siyaad isku reer ahaayeen. 


Markuu Xeer-Illaayahii guud arkay in lagu khasbayo  inuu amarka Kacaanka fuliyo, ayuu  Madaxweynaha ka codsaday in  loo fasaxo inuu cimradda sanadkaa soo guto si uu dacwadaa uga baxsado.


Jawaabtii codsigii xeer-illaaye guud Abshir waxay noqotay in xilkii laga qaaday oo buulka la dhiggay, loona arkay inuu yahay nin kacaan-diid ah!


Waloow markii siyaasiyiintaa lagu xukumay xabsiyo dhaadheer haddana isla markiiba cafis Madaxweyne lagu sii daayay, halkaa Xeer Illaaliye Abshir ayaa shaqadiisii ku waayay.


Xeer Illaaliye Abshir, waxaa kaloo lagu xusuustaa in waaguu Gobolka Togdheer gudoomiyaha ka ahaa, in dhalinyarro beeshiisa ahi dhaceen 2 gaadhi oo reer Burco lahaayeen lana galeen gobolka Wardheer ee Ethiopia. Waagaas Ethiopia iyo Soomaaliya waxaa ka dhex aloosnaa dagaal lagu hoobtay oo aan lays bixin. Laakiin wuxuu gudoomiyhu u badheedhay khatartaa wuxuuna isagoo ciidankiisii wata dhalinyaradii baabuurtii kaga soo qabtay kilalka 5aad, una soo celiyay dadkii lahaa. Waxaana la sheegay inay taasi sabab u ahayd waxyaabihii xilka gudoomiye-nimada lagaga qaaday.


Illaahay ha u naxariistee Abshir Saalax Maxamed markii dalku burburay ayay beeshiisu ka codsatay inuu u noqdo Garaad, haseyee, wuxuu shuruud adag kaga dhigay inay marka hore  maggo/diyo badan oo lagu lahaa iska bixiyaan, kadibna ay ku soo war celiyaan. Markii tolku dhammaan wixii xaq Isaameed lagu lahaa iska bixiyeen kadib ayaa lagu caano shubay Garaad Abshir Saalax Maxamed.


Illaahay labadan mas'uulba ha u naxariistee waxay ahaayeen rag Islaamnimada, Cadaaladda & Soomaalinimaduba aaaaad ugu weyn tahay!


Ummadda Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa inay Naxariista eebe u waydiiyaan iyo inuu ku casuumo Rawdatu min Riyaadi Jannah! Aamiin YAA ALLAAH!


W/Q: Axmed-Assad M. Awaare
Facebook: Ahmed Assad (Assad Awaare)
Twitter: @AxmedAssad
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...