"Saylac Itoobiya Mala Siin Karaa ? ''.

0
Thursday November 19, 2020 - 20:06:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1451
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Saylac Itoobiya Mala Siin Karaa ? ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Magaaladda Saylac waa magaalo taariikh iyo mudnaan ku leh umadda islaamka ah ee geeska afrika oo dhan , waana magaaladda labaad ee ugu karaamadda badan gobolkan marka lagga tago magaaladda Barakaysan ee Herer , sidaa darteed waa magaalo qiime wayn oo macna wiyan ah leh marka lagga tago qiimaheeda istaraajiyadeed .



1492 ayaa ciidamo Itoobiyaana oo soo duuley qabsadeen Saylac , waxaanay ka gaysteen xasuuq baahsan , magaaladiina way gubeen maamulihii magaaladda oo la odhan jirey Sacaadadiina way dileen .


Qabsashadaas waxaa ka bilaabmey coladdii socotay 500 ee sanadood ee xidhiidhka ah , ciidamadii Itoobiyana waxaa Saylac lagga kiciyey 6 bilood ka dib , dagaalkii Saylac ka bilowdayna wuxuu gaadhey guri kasta oo ku yaala inta u dhaxaysa Saylac iyo Kasala oo ah xuduudka Ethopia iyo Sodan .


Heshiiska dhagareed ee Farmaajo ku bixiyey dekedaha Soomaalida ee ka dhacay Baxral daar , ee aan Baarlamaanka la horkeenin , wasiiradda la horkeenin ee kootarabaanka ah , haddii saylac ku jirto iyo hadii aanay ku jirin marna maaha mid soconaya , maxaa wacay , dadwaynaha ku nool gobolka Geeska Afrika maaha kuwo hadeer la abuurey hassa yeeshee waa kuwo horreba isu yaqaanay oo aan xoog iyo xeelad isku muquunin karin , doogaha taariikheed soo noolaytoodana cidna dani uguma jirto .


Soomaalidun goor ay ogaataba way ogaan doontaa sirta ku duugan heshiiskii dhagareed ee Bahral daar loogu saxeexey Abby ahmed dakahadaha Soomaalida , inkastoo dakaduhu  wax qalin laggu qaado ay ka wayn yihiin .

 

Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...