Muuse Biixi Oo Qaab Darjiidh Ah Uga Hadlay Taariikh Uu Lahaa Marxuun Cumar Carte Qaalib

0
Thursday November 19, 2020 - 17:27:36 in News by
  • Visits: 1948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Qaab Darjiidh Ah Uga Hadlay Taariikh Uu Lahaa Marxuun Cumar Carte Qaalib

    Muuse Biixi Oo Qaab Darjiidh Ah Uga Hadlay Taariikh Uu Lahaa Marxuun Cumar Carte Qaalib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muuse Biixi Oo Qaab Darjiidh Ah Uga Hadlay Taariikh Uu Lahaa Marxuun Cumar Carte Qaalib




Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey taariikhdii Cumar Carte oo maanta Hargeysa lagu aasay, ayaa yidhi "Cumar markii ciidamadii Jabhaduhu dalka soo galeen wuu taliyey si xasuuqu u yaraado si dhimashadu u yaraato wuxuu yidhi ciidamadda Jabhadaha ah ee soo galay Somaliland SNM hubka haloo dhiibo SSDF haloo dhiibo inta kalena Caydiid hubka haloo dhiibo oo hubka shicibku gacanta ku hayo halagu wareejiyo Jabhadahaa maxaa ka dhacay? Maantay qoloda qoonfureed ku qoraan khaayin buu ahaa oo isagaa dalka dumiyey, muu ahayn khaayin, wuxuu daydayaayey inay dhimashadu yaraato laba kun (2,000) oo hubaysan oo Koonfur ah ayaa inta uu janankii la odhan jiray Caare yimi Burco laga kaxeeyey oo Xasan Kayd iyo Maxamed Kaahin farta ka saareen taariikhda in la qaldo maaha.


"Maxaa Cumar Carte dil loogu xukumay? SNM baad samaynaysaa baa lagu dilaayey isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor, waa kii 1997-kii inoo yimi ee ka shaqaynayey nabada ee shirkii danbena joogay ee lagu dhisaayey Somaliland ilaa uu Cigaal ahaa ninkii shirkaa kasoo baxay, horta Cumar waa ninka taariikhdaa iyo mid ka badan leh, maanta Xamar waxa ka socota waxaad moodaa sawirkii in sawirkii Ismaaciil Cali Abokor, Cumar Carte iyo Silaanyo lahaayeen waar ka daa, maanta ninka Guurtida xukuma ee la yidhaahdo Cabdi Xaashi iyo dawladda Xamar ka dhisan waa Sawirka,Sawirkiisii baa maantana Xamar ka taagan waxaa se nacasnimo haysaa kuwo u tegay ee leh Xamar hanalagu doorto, Cumar Carte Alle haw naxariistoā€¯.
Loading...
Loading...