Isbadelkii Siyaasadeed Ee Geeska Africa Xooga Ku Socday Waxa Uu U Muuqdaa In Uu Ragaad Yahay ,

0
Thursday November 19, 2020 - 09:21:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbadelkii Siyaasadeed Ee Geeska Africa Xooga Ku Socday Waxa Uu U Muuqdaa In Uu Ragaad Yahay ,

    Ee Somaliland Siyaasadeedu Ma Hadba Diinta Hilibka Leh Baa Tolow ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ee Somaliland Siyaasadeedu Ma Hadba Diinta Hilibka Leh Baa Tolow ?

Waxa ay ahayd bishii feb 11 2020 markii ay kulan ku yeesheen Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdilaahi Farmaajo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulankani waxa geeso garaac ka ahaa Raisal wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali.

 

Dareen weyn oo shaki abuurey ayaa galay shacbiga jamhuuriyada Somaliland oo qaranimada ay haystaan qadiyad iyo taariikh dheer oo adag u soo maray , halgano kala duwana ku soo jiray ilaa maalintii 1885kii .

 

Waxa muuqatay in kulankoodu uu ahaa mid wajiyo badan isla markaana qaybo ka mid ah umada la tusay,  waxa lababadaba xilkoodu gabaabsi ahaa Farmaajo iyo Abiy Axmed , waxa ay u muuqatay xirfadaha ay ku soo noqon karaan ama lagu dooran karo in Somaliland wadahadalkeeda la bilaabo in ay muhiim u tahay.

 

Waxa kale oo isaguna fursadi ugu jirtay dawlada maraykanka ee uu hogaaminayey Donald Trump oo siyaasado dardar ku socda ka waday caalamka sanadkii ugu dambeeyey oo ahayd xooga kale ee dabada ka riixayey wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee dib u bilaabmay taasi oo ay garab socotay balanqaad dhaqaale oo aad muc amaba aan idhaahdo lacag badan oo mashaariic iyo horumarka lagu bixiyo.

 

Halkaasi waxa ay iska metalayeen heshiiska taariikhiga ah ee Abraham Accord oo markii ay Sudan la heshiisay Israel iyadana lacag badan loogu balan qaaday badhna horumarin ay u siisay dawlada maraykanku.

 

Mar labaad ayey Somaliland iyo Somalia isla sanadkan gudihiisa ku kulmeen dalka Djibouti shir socday maalmo 14 , 15 , 16 June 2020 kaasi oo la rabay in arimaha Somaliland iyo Somalia xal loogu helo , kaasi oo ay ku xidhnayd mashaariic badani,  sida oo kale waxa jirtay dano kala duwan oo ay lahaayeen dawladaha iyo dalalka meesha isugu yimid .

 

Abiy Ahmed oo ay la fududeyd qadiyada Somaliland iyo Somalia ayaa waxa uu si dhib yar oo af gobaadsi ah isaga yidhi Muuse iyo Mohamed maanta waxa idin hortaala fursadii mustaqbalka ee dadkiina waxaa loo baahan yahay in aad xal rasmiya keentaan oo macnaheedu ahaa go'aan gaadha.

 

Abiy Ahmed waa shaqsi aad ugu dheereeya xaaladaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka taariikhda ee aduunka hada ka socda iyo kuwii la soo marayba laakiin dan siyaasadeed oo uu leeyahay oo ahayd in uu isu dhigo hogaamiyaha Geeska Africa dabadeedna uu noqdo hogaamiyaha Africa ayaa ka siisay erayadan iyo hadalkan.

 

Dhinaca kale waxa dalkiisa ka haystay culeys siyaasadeed , Djibouti lafteeda waxa laga dambabasayey heerka ay ka taagan tahay xuquuqda aadamaha oo aduunku ku soo jeestay qadiyadii wiilkii duuliyaha ahaa ee dawlada Ethiopia usoo gacan galisay, 

 

HADABA SOMALILAND MAXAA UGU JIRAY WAXAASI DHACAYEY OO DHAN !

 

Waxa aynu u kala qaadaynaa  qodobo waxii ugu jiray kulanadaasi iyo waxaa la kala dilaalayey.

 

1- Somaliland kamay sii fekerin in ay Somalia la kulman xiligaasi in ay ahayd mid haboon iyo waxa ka soo gali kara , laakiin waxa ay u luqun laalaadiyeen rabitaankii Dr Abiy Ahmed , taasi waxa ay inagu soo hogaamisay wax aan waligeed Somaliland ka dhicin oo ah in Madaxwayne Soomaaliyeed laga soo dejiyo Airportka Hargeisa inaga oo aan waxba ku heshiis aheyn laakiin uu inagu dhaco sawir diblomaasiyadeed ( Diplomatic Image ) kaasi oo guul taariikhiya u noqonayey Dr Abiy iyo Farmaajo.

 

2- Somaliland maadaama la sheegay fagaare garnaqsi in aanay ka maqnaan , laakiin iyadana lama isma weydiin  cida lala garnaqsanayo Somaliland meeqaam ahaan maamul dawladnimo ma u dhigantaa ? Wax se maka gu I karaan?

 

Waa huq kale oo aanay iska hubsan Somaliland laakiin sawir daneed oo cidi rabto ahaa , isla markaana noqday mid sii wiiqaya qadiyada madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland maadaama aynu ka galnay wada hadal,  waxaaba ka daran waxa ka soo baxay wadahadalada oo riwaayad kale oo aan hore loo jilin ( isdhexgal ) .

 

WADAHADALADA SOMALILAND IYO SOMALIA UMA EEKA QAAR RAJO SOO WADA KAMANA DUWANA SUMINAAR ( WORKSHOP ) LOO TAGO MARBA MEEL.

 

Waxa aan shaqsiyan ka aaminsanahay in qadiyada jamhuuriyada Somaliland aanay aheyn wax gorgortan laga gali karo, ha yeeshee hadii soomaalia lala hadlayo la helo Somaliadii lixdankii ( Italian Somalia) isla markaana awood ahaan amni ahaan iyo maamul ahaanba u dhiganta Somaliland oo ay wax ka go' i karaan.

 

Laakiin inta ka horeysa waxa ay iila muuqataa siyaasada dilaalista ah ee Gobolka ka socota in ay Somaliland hoosaasin iyo mid qadiyadeeda dileysa in ay tahay,  waxaana hubaal ah in caqliyada lagu duqeynayo Tikray in Somaliland loola iman doono si xoog loogu muquuniyo.

 

Waxaana xukuumada talada haysa looga baahan yahay in ay mawqifkeega cad ee wadahadalada Somaliland iyo somalia cadeyso isla markaana siyaasadeeda gobolku noqoto mid jiho leh oo ama cida maanta awooda is bidaysa aynu garab siino iyo in mustaqbalka dhow isbadelada Iman doonaa in ay noqdaan qaar danaheena iyo rabitaankeena ku socda hadda ka sii shaqeyno.

 

XULFIGA SIYAASADEED EE SOMALIA, ETHIOPIA IYO ERATERIA MAXAA SOMALILAND DAN UGU JIRA !

 

Dr Abiy Ahmed waxii ugu horeeyey ee uu ka shaqeeyey waxa ay ahayd in uu garab u helo han iyo himilo u muuqatay sidii u hirgalin lahaa waxaana abaarey cidii uu ku guuri lahaa oo uu ugu horeeyey Farmaajo,  waxa uu la heshiiyey libaaxa gaajooday ee geedka ku xidhnaa 27 sanadood ee Erateria oo uu ka soo furey waxii ay rabeena uga tanaasuley si uu danihiisa u fushado.

 

Waa mid ka mid ah dhibaatooyinka maanta Ethiopia ka taagan waxa cirka ku sii shareeray, ha yeeshee waxa uu Abiy Ahmed lawada heshiiyey mucaaridkii xiligii xukuumadii EPRDF ee ay awoodeeda lahayd TPLF kaasi oo uu u arkay in uu dhigo qaab siyaasadeed kale iyo xulafooyin uu xilka kusii haysto amaba mar kale loogu doorto.

 

Somalia iyada waxa ay u eeg tahay in siyaasadii lagu kala adkaaday oo aanay jirin cid Farmaajo loodinaysaa isla markaana ka badheedhi karta siyaasada Gobolka Geeska Africa iyo aragtida ay ka qabto sidii Farmaajo xiligii ololaha uga badhhedhay nacaybka Ethiopia iyo farogalinta siyaasadeed ee ay ku hayso Somalia.

 

SIYAASADII IYO ISBADELKII LAGA FILAYEY GEESKA AFRICA WUU RIBADAY MAR HADII DHIIG IYO DAGAAL LOOGU WANQALAY !

 

Dr Abiy Ahmed waxa uu la yimid markii hore xirfad iyo hal abuurnimo siyaasadeed oo uu ku hantay quluubta dad badan oo Gobolka Geeska Africa ku nool iyo  indhaha caalamkaba taasi oo ahayd in la furay xaashi cusub oo si aynu u qorno taariikh cusub oo Gobolka Geeska Africa ah.

 

Taasi oo ku dhisan iskaashi, nabad, isdhexgal wax wada lahaansho iyo in umadaha ku nool noqdaan qaar waa cusubi u baryey,  waxa ay ahayd yididiilo iyo wanaag qofkasta soo jiidanayey loona arkayey isbadel xawaare ku socda in uu ka dhacay Ethiopia oo aanu halkaasi uun ku ekaanayn ee uu gobolka wada gaadhi doono , laakiin may dhicin,  oo horaantii waxa uu ka dul guurey Djibouti iyo Somaliland .

 

Wax ay socoto oo lawada qoslo iyada oo uurka la isku dabayo dawladii Ethiopia dagaalbay gashay lagu duqeynayo Tigray oo ahaa dadkii siyasadoodu Ethiopia 27 sanadood maamulaysay , waxa kula socda oo ku urursan dadkii ay maamulkii Tigray iyo intii dabadhilifka u ahayd cadaadiyeen oo laftoodu caadifad aan caqli ku dhisnayn ku socda , taasi oo keeni karta dhibaatooyin intan ka sii badan.

 

Muxamed Dhimbiil

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...