Khatarta Isbahaysi Militari Waxa Lagaga Hortagi Kara Isbahaysi Kale

0
Thursday November 19, 2020 - 09:00:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khatarta Isbahaysi Militari Waxa Lagaga Hortagi Kara Isbahaysi Kale

    W/Q Cabdiraxmaan Cadami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed doorashadiisii kadib wuxuu ku baaqay in uu ka shaqayn doono sidii dalalka Bariga Afrika la isugu furfuri lahaa, wuxuu ku doodayay in ganacsiga, isku socodka iyo isdhexgalka bulshooyinka gobolku wax weyn ku soo kordhin karaan horumarka iyo koboca dhaqaalaha si looga soo kabto dib u dhacii iyo saboolnimadii dalalka gobolka ragaadiyay.

 

Ra’isal wasaaruhu wuxuu aamminsan yahay aakhirkana in ay ku midoobi doonaan dallad (umbrella) ama dawlad qudha. Inkasta oo meelaha qaar laga soo dhaweeyay haddana dad badan iyo dawladaha jaarka ah qaarkood ayaa ku tilmaamay mala awaal iyo aragti xaqiiqada ka fog.

 

Ra’isal wasaare Abiy Axmed fikraddiisii hore haddana wuxuu ku bedelay kala qaybinta dalalkii uu doonayay in uu mideeyo, wuxuu sameeyay isbahaysi militari oo ka kooban Itoobiya, Ereteriya iyo Soomaaliya. Waxa lala yaabay sida looga reebay ama looga maarmay jamhuuriyadda Jabuuti iyada oo ah dalka Itoobiya ugu muhiimsan dalalka mandaqadda oo dhan.

 

Itoobiya waxa ay dhoofiso iyo waxa u soo dega 90% waxay u  maraan dekedda Jabuuti  si kale haddii loo dhigo Jabuuti waa dhuunta Itoobiya waxayse ka doorbideen Farmaajo iyo Soomaaliya oo jaarnimada ka sakow aanay wax dan ahi ka dhaxayn. Farmaajo waxba ku soo kordhin maayo isbahaysiga laakiin, waxa loo  rabaa xeelado kale iyo in uu dabadhilif u sii ahaado waana sababaha Abiy iyo Afwerki ugu ololaynayaan sir iyo caad ba in uu xukunka Soomaaliya dib ugu soo laabto mar kale.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...