Maxaa Hortaagan Inay Somaliland Ka Faa,iidaysan Waydo Fursado Ku Gedaaman Magaalada Berbera?

0
Wednesday November 18, 2020 - 19:51:24 in News by G. Good
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxaa Hortaagan Inay Somaliland Ka Faa,iidaysan Waydo Fursado Ku Gedaaman Magaalada Berbera?

    Maxaa Hortaagan Inay Somaliland Ka Faa,iidaysan Waydo Fursado Ku Gedaaman Magaalada Berbera?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Hortaagan Inay Somaliland Ka Faa,iidaysan Waydo Fursado Ku Gedaaman Magaalada Berbera?


Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray ayaa ka hadlay muhiimada uu leeyahay dhulka ay geeska Afrika kaga taalo Somaliland.

Mujaahid Cali Guray Oo Ka Hadlay Dagaalka Tuke-raq Iyo Saddex Meelood Oo Uu Sheegay Inay Somaliland Kaga Awood Badantahay Maamulka Puntland
Lis Dairy


siyaasi Cali Guray ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa ay u dhignayd sidan:-


"Dalka Sudan oo dalka Ruushka ka siisay saldhig ciidan magaalada Port Sudan ee ku taal Badda Cas. Hore waxa loo ogaa in Ruushku ay muddo ku gaaf wareegayeen Somaliland iyagoo danaynayay in dib loogu celiyo Saldhiggii ay ku lahaayeen Berbera xilgii Midowga Soofiyaatiga ha yeeshee la sheegay in ay dhinaca dawladda Somaliland uga suurogeli wayday iyadoo aan ilaa hadda la garanayn cidda ay u xidhan tahay Berbera oo dhinaca jiyo-siyaasiga (geopolitical) la og yahay in ay uga muhiimsan tahay Port Sudan oo Khaliijka Cadmeed, Marinka Baabul Mandab Iyo Badwaynta Indian Ocian intaba ay isku xidhayso ugana dhawdahay Port Sudan. 

Caalamku waa dano maaha jacayl iyo nacayb dhinacyo badan oo danaynayay Berberana way jireen waanay jiraan. Hadii aad adigu dantaada garan waydid ama kuwo kale oo aan adiga dantaada waydin uga warwareegto dantaada dee waa adiga iyo garashadaada.


Somaliland haddii ay garan kari waydo sida ay uga faaiidaysan karto ahmiyadda buqcadda dal ahaan ay dhacdo saw maaha nin dahab haysta oo gaajo u bakhtiyaya oo aan garanayn qiimaha dahabka uu haysto"

Loading...
Loading...