'' Mustaqbalka Qalalaasaha Itoobiya ''.

0
Wednesday November 18, 2020 - 16:50:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Mustaqbalka Qalalaasaha Itoobiya ''.

    W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ahmed Nour Guruje

Dagaalka ka dhex socda Dawladd dhexe ee Itoobiya iyo maamuul goboleedka Tigrey ayaa maanta madaxa la galay Arbacadii sadaxaad oo xidhiidh ah , dagaalkaas oo bilaabmey 04 November 2020 ayaana weli u socda si xawli ah .


Lis Dairy

Dagaaladan oo laxaadkoodu ka socdo xuduudka maamuladda Amxaaradda , Canfarta iyo Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya , waxaana dagaalkaasi sababay dhimasho iyo khasaare xad dhaafa .


Marka la iska dhaafo wararka dacaayadaha ah ee dhinacyaddu sii daynayaan , weli dagaaladdu waxay ka socdaan agagaarka goobahii ay ka bilowdeen , guul iyo natiijooyin macna leh oo la gaadhayna ma jirto .


Dagaalkan oo ah dagaal sokeeye oo ka dhex socda wadan gudihii goob kasta oo laggu dagaalamaana ay tahay isla gudihii Itoobiya ayaanay gushiisu ahayn mid ku xidhan dhul la kala qabsado iyo dhufaysyo la kala riixdo  , hassa yeeshee guushiisu waxay ku xidhan tahay dadka oo la kala kasbado iyo aragtiyaha laggu dagaalamayo oo kala adkaadda , taasina waxay u eegtahey mid marba marka ka danbaysa sii kala fogaanaysa .


Mustaqbalka dagaalkanina wuxuu u muuqdaa in uu noqonayo sidda dagaalkii Ereteriya iyo Etobiya ee socday 30 sanadood 1961 ilaa 1991 ama kii Tigrey iyo Itoobiya oo socday 17 sanadood 1974 ilaa 1991 , waxaanu dagaalkaasi caqabad ku noqonayaa horumarkii dhaqaale iyo koritaan ee Itoobiya ka socday mudooyinkii dambe , dagaal muddo dheer socda oo riiq-dheeraadana waa waaqaca ugu xun ee dawladdi wajahdo , waxaana  ugu dambeeyey Midowgii soofiyeeti iyo Maraykan oo labaduba ku khasaarey dagaaladii dheeraa ee ay la galeen jabhadaha reer Afganistan .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...