Distoor (Constitution ) 25/4/019

0
Friday April 26, 2019 - 11:30:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Distoor (Constitution ) 25/4/019

    Dastuurku waa qoraal nidaamsan(decument ) oo la dejiyey oo ilaaliya xuquuqda shaqsigaa iyo ta guudba ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dastuurku waa qoraal nidaamsan(decument ) oo la dejiyey oo ilaaliya xuquuqda shaqsigaa iyo ta guudba ,

waan xeer ay ku qotomaan xuquuqaha maamul wanaag laguna dejiyo nidaamka dowladnimo iyo qaybaha bulshada rayidka, dastuurku waa muhiim waxaanu mahiim u yahay in uu I laaliyoqof kasta kaas oo u baahan cadaalad( justice ) iyo sinaasho ( equality )



Distoorka waxaa kale oo la odhan karaa (contract) heshiiska u dhaxeeya dadka iyo dowladooda kaas oo lagu xadidayo awoodaha dowlada ,saren luugu qaadayo xoriyada dadka, waxaa kale oo la odhan karaa waa owoodaha qaybnaha ay sarantahay masuuliyadu iyo xidhiidhka xubnaha dawlada. ,dunidan casrigaana waxaaba la yidhaah " distoorku waa ilaaliyaha xuquuqda madaniga” waxaa kale oo la odhan karaa waa xidhidh wada shaqayneed ( framework ) kaas oo ka dhaxeeya qaybaha dowlada fuliyana masuuliyada , waana nidaam lagu xadeeyo xukumaha iyo laxukumaha,


Umada kastaa iyo qaran kastaana wuu u baahan yahay dastuurka ( constitutions ) maxaa yeelay distuurku wax qoshe (plan ) waxaanu noqon karaa midqorn ( written) iyo mid aan qornayey ( unwritten ) sidaas darteed qofkastaana wuu bahhan yahay dastuurka waxaana gun looga dhigaa dhaqan ( culture ) caado ( customs ) iyo diin ( religion )


Dastuurka waxaa kale oo la odhan karaa waa wax laga sawir karo dowladnimada iyo xukunka iyo waxay masuuliyadu tahay , waxaanu saamayn ku yeelan karaa qaybaha dadwaynaha iyo qaybaha dowlada amaba urur ,waxaanu waxtar noqdaa marka raali laga wada yahay,


Hadaba ,dastuurka aan qornayn waa mid qol ahaan utaagan oo la odhan karo.waa kii ay haysan jirtay somalidu waligeed, ee ahaa, " arinkani ma ugubaa mise waa curad amaba waxaagu xeer ha kuugu jiraan amaba xero ,iyo kii geedka hoostiisa lagu dhamayn jiray , waxaanan tusaale u soo qaadan karnaa " xeer ciise”


Hadab xeerka qoran waa ka looga eego buugaag qoran , oo qodobaysan , kaas oo kala xadeeya xeeraraka markaa dal leeyahay, hadab waxaa is waydiin leh wax ma laga bedeli karaa dastuurka qoran ? waa laga bedeli karaa (amendment) waa lagu samayn karaa , waayo wuuba qoran yahay ,muqadasna maa aha,


Hadab maalmahan waxaa jiray rag odayaal aha oo doonay inay somaaliland loo sinaado ,haday xeer dastuur noqoto iyo haday wax kalaba noqotaba, arinkoodaasi waa muhiim waar ila hadal oo sidan kuma qanacsaniyey aynu wax loo dhan yahay samyno ceeb ma aha, dadkan xooga aynu ku haysanana waa in xaqooda la siiyaa .


Teeda kale maxaa koonfur kula hadali isaaq goboladii uu qabsaday baa wali wax tabanayee , in taanad wadahadlada konfurta soomaliya u halqal taagin in ,horta tan dadkan kula degaankaa sax , oo ha ku jeejeesane soo fadhiista dheh, hadii gobolada darafyada la ha gaajin waayayana doorasho barlamaan iyo tu deegaan midna dhici mayso,


Gababo gabadii

Dastuurka Somaliland waa la bedeli karaa, beelaha darafyadaan ilaa waxay doonayaan loo yeelo ma filaayo in dalkan degan yahay oo loo siman yahay ,markaa adigoon dadkii kula deganaa aan raali galin sided konfur wadahadal ula yeelan ,

By: Khadar Adam Aw Muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...