Bogaadinta Daadmadheedh, Ka Maydho Wixii Ku Soo Maray
W/Q: Bashiir Tarabbi Oogle,
Aad baanu ugu faraxnay in gobolka Daad madheedh uu qaaday koobkii
ciyaaraha gobolada, inkastoo gobolada qaar la soo dhoodhoobay hadana way
dhaqaajin waayeen maacidda Togdheer.
Waxaan iyagana bogaadinayaa gobolka Saraar oo wacdaro ka dhigay Oroddada Soomaalilaan iyo Maroodi jeex oo Baasketka qaaday.
Waxay naga maydhay Muuqaalkii Madaxweynaha oo derajooyin ciidan ku
bixinaya kuliyad ay u bixiyeen mujaahid C/laahi Askar, oo ay malxiis ka
ahaayeen Sarreeye gaas Taani iyo Sarreeye gaas Shaqale, goob joogna
waxaa ka ahaa Shan kornayl oo isla xaafaddaas ah. Lama soo hadal qaadin
mujaahid Lixle oo badbaadiyey mujaahid Askar isla markaana ku shahiidey
dagaalkii Burco duurrey oo ahaa gudagalkii ugu horreeyey ee mujaahid ka
dhex dagaalamo Soomaalilaan isagoo fulinaya howlgal ciidan oo ka
ballaadhan tabta ciidanka ee loo yaqaan ku dhufo oo ka dhaqaaq.
Bashiir Tarabbi Google,
Burco, Soomaalilaan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...