Xaaladda Itoobiya: Berkadda Gudhi, Kalluunku Ha Bakhtiyee!

0
Wednesday November 18, 2020 - 09:51:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Itoobiya: Berkadda Gudhi, Kalluunku Ha Bakhtiyee!

    W/Q: Muuse Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muuse Cabdi

Xaaladda Itoobiya waxa aad moodaa inay tahay bilawgii dagaalo sokeeye iyo waliba dagaalo qoomiyadeed. Hadda is-jiidjiidka ugu wayni wuxuu udhexeeyaa Dawladda Fadaraalka ah ee Itoobiya iyo ciidamo daacad u ah Jabhaddii mudada badan kasoo talinaysay Itoobiya ee dhaqdhaqaaqa xoraynta dadyawga Tigrayga ee loo soo gaabiyo TPLF.


Lis Dairy

Bilawgii hore dagaalku wuxuu ku bilawday qaab hadalo ah oo saxaafadda la isku marinayay dhaleecayno kala duwan oo qoloba-qolada kale ay rabtay in ay dunida u tusto inay sifo khaldan wax u wadaan.


Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waxa u uku eedeeyey in Jabhadda TPLF ay ciidmadii difaaca qaranka ay uweerareen si ulo-kac ah, kadibna ay ka dhigeen wax ay dileen iyo kuwo firxad kaga talaabay xadka ay la wadaagaan Ereteriya. Ereteriya waxa ay ahayd cadawga ugu way nee ay Itoobiya lahaan jirtay 30kii sanno ee ugu danbeeyey oo uu khilaaf xagga dhulka ahi ka dhexeeyey, kadib kala go’oodii. Hogaamiya Tigreega Debretsion Gibremicheal ayaa isna ku eedeeyey in uu jiro guluf ay kusoo qaadeen ciidamada difaaca Itoobiya iyo kuwa Ereteriya. Laakiin warbixinno madax-bannaan oo laga helay sida dhabta ah ee ay wax udhaceen ma jirto marka laga yimaado wararkaas iska soo horjeeda ee ay madaxda labada dhinac ay bixiyeen.


Bal aynu waxyar dib ujilicsanno taariikhihii maamul ee kala danbeeyey ee soo mara Itoobiyada casriga ah.

1974-kii ayay ahayd markii xilka laga tuuray boqorkii mudada dheer kasoo ariminayay Itoobiya ee la odhan jiray Haile Selassie, islamarkaasna ay awoodda la wareegeen Taliyayaal ciidan oo la odhan jiray Derg. Waxa ay ciidamadaas waddanka ka gaysteen falal arxan darro ah oo taariikhda ugu suntan loona bixiyay magaca ah Argagixisadii Casayd amma "Red Terror” oo isla wakhriganna taallooyin looga dhisay caasimadda Addisababa. Tigraygu waxay sannadahaas u aqoonsanaayeen inay ahaayeen kuwo madaw, maadaama ay maalintii ciidamadu u adeegsan jireen diyaarado ay ku weeraraan, tanina ay usaamixi wayday inay maalintii socdaan, waxa ayna ku dileen magaalada Hausien dad ka badan 1800 oo qof oo suuqa u socda, qiiqa ay sii daynayeen diyaaraduhu iyo qaraxyadii kale ayaa magaaladii ka dhigay mid madaw. Isbahaysi xoogan oo ay TPLF hogaaminayso ayaana soo gebogabeeyey xaaladdii qalafsanayd ee ay Milatarigu ku hayeen shacabka sannadkii 1991-kii. Taariikhdaas kadib waxa taladii la wareegay xisbigii ka ariminayay Itoobiya mudada 27-ka sanno ahayd ee EPRDF, wakhtigaas wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaare Ato Malez Zenawi in yoolalkiisa ugu wayni uu yahay sidii uu udabargoyn lahaa gaajada iyo macluusha baahsan ee ka jirtay Itoobiya, waxa sida oo kale hoos udhac wayni ku yimid hooyooyinka dhinta mudada foosha, waxaana sidoo kale kor loo qaaday heerka caafimaadka iyada oona laga dhigay mid kharash yar ku bixi karo, waxa kale oo uu fidiyay nidaamka waxbarashada oo lacag la’aan ah guud ahaan waddanka, waxa sida oo kale uu kordhiyay wax soosaarka beeraha, warshadaha iyo adeegyada kale ee dadwaynaha, waxaana mudadaas Itoobiya ay dareentay xasilooni siyaasadeed iyo mid amni. Wakhtiyadaas waxa Iyana soo baxay in talada iyo dhaqaalaha waddanku ay ku ururtay gacmo kooban oo Tigray ah, iyaga oona udiiday dhalinyaradii kale ee hanka siyaasadeed lahayd qasabna ku maquuniyay.


Kadib dhimashadii hogaamiyihii dimuqraadiyadda  Itoobiya ee Meles Zenaw, waxa talada u kala danbeeyey Haile Mariam desiglen iyo Abiy Ahmed, kadib mawjado mudaharaaddo ah oo ka dhacayay deegaano kala duwan oo Itoobiya ah gaar ahaana gobolka Oromada.


2018-kii waxa ay noqotay rajo cusub oo u iftiintay nidaamka dimuqraadiyadda iyo xornimada dalwaynaha Itoobiya, waxaana uu si talaabo-talaabo ah uu uqaaday dadaalo nabadeed iyo iskaashi wadamada bariga Afrika ah. Waxa sida oo kale uu hoos udhigay faragalin siyaasadeed oo ay dawladiisa Itoobiya ku lahayd wadamo gobolka ah sida Soomaaliya. Waxaana uu isla sannadahaas uu hirgaliyay xorayn xagga dhaqaalaha ah, isaga oo shirkadaha waawayn ee ay dawladdu leedahayna qayb kamid ah u ogolaaday in ganacsatadu ay sheerar kusoo darsan karaan. Waxaana uu Meesha ka saaray isbahaysigii EPRDF oo ka koobnaa afar gobo loo Itoobiya ah sida; Tigray, Oromo, Amxaara iyo Shucuubta Koonfureed, intaas kadib Abiy Ahmed waxa uu ku badalay xisbi loo bixiyay Xisbiga Barwaaqo amma "Prosperity Party” oo ay xubno ka yihiin dhammaan gobolada Itoobiya marka laga reebo gobolka Tigrayga oo u arkayay in saamayntooda siyaasadeed ay yaraan doonto. Kadib dadaaladaas nabadda ah ee uu Ereteriya la gaadhay iyo xornimada dhaqaale iyo fikir ee uu Itoobiya ka hirgaliyay ayaa soo jiidatay indhaha beesha caalamka isaga oo ku guulaystay biladda Nabadda ee "Noble Peace Prize”


Xiisaddan cusub ee kooxda TPLF iyo isaga dhexmartayna waxa ay sii xoogaysatay markii ay qabsadeen doorasho gaar u ah deegaankooda kadib markii golaha fadereeshinka Itoobiya uu dib udhigay doorashooyinka xaaladihii caabuqa Covid-19 awgii, lagana dareemay dhaqdhaqaaqyo u eeg inay rabaan gooni isutaag, in kasta oo TPLF aanay si toos ah ugu dhawaaqin inay rabaan madax-bannaani, laakiin talaabooyinkii ay qaadayeen ka maamul ahaan ayaa usaan-saan eekaa.


Rabshadaha kale ee Abiy Ahmed ku furmay waxaa kamid ahaa dhaqdhaqaaqii Qeero oo ah koox dhalinyaro Oromo ah oo sabab u ahaa imaanshihii Abiy Ahmed ee talada Itoobiya, kadib markii la dilay fanaan can ka ahaa Oromada dhexdeeda. Abiy Ahmed ayaa isna gacan bir ah ku qabtay kooxdaas isaga oona ka dhigay kuwo uu xabsiga dhigo iyo kuwa la dilay.


Halgamaaga Oromada Jawhar Mohamed ahna aasaasaha Telefiishanka Oromada ee OMN ayaa isna xabsiga loo taxaabay, kadib rabashadaha oo kasii daray dilka fanaanka awgii waxana ay dawladdu ku eedaysay falal argagixiso.


Hadda talada Itoobiya waxa aad moodaa mid ay gacanta ugu wayn ku leeyihiin qoomiyadda Amxaarada oo iyadu rabta in Itoobiya noqoto dal leh dawlad dhexe oo guud ahaan laga guuro nidaamka federaalka ah oo ay u arkaan inuu Itoobiya midnimadeeda kala qaybinaayo.


Dawladda Itoobiya ayaa sida oo kale xayiraad dhinac walba ah saartay shacabka Tigrayga iyaga oo hamigoodu yahay inay soo af-jaraan maamulka TPLF, waxa lagu soo waramayaa in cunto yari baahsani ay soo wajahday shacabka ku nool deegaankaas, kuwo badanina ay iskaga qaxeen waddanka oo ay cago-caddaan ay ku galeen Suudaan, halka ay jiraan dhacab dhexda ugalay ciidamada dagaalamaya oo ay xabaddu la tagtay.


Xaaladda madaxda TPLF ayaa iyaguna ah laba daran mid dooro; in ay maamulka Abiy Ahmed gacanta ugalaan oo sharciga Itoobiya la mariyo iyo in ay ku dhintaan iyaga oo is difaacaya oo waddankana jiho khaldan u leexisa.


Waddamo ayaa isku dayay inay dhexdhexaadiyaan balse dawladda Itoobiya ayaa ku gacan saydhay iyaga oona sheegay inay awood ku muquunin doonaan kooxda ka Talisa gobolka Tigrayga. Balse lama garan karo sida ay xaaladdu ku danbayn doonto iyada oo ay Itoobiya haysato tusaalayaal nool oo ah maxsuulka dagaalada sokeeye sida Soomaaliya.

 

W/Q: Muuse Cabdi

Email: [email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...