Ujeedka kulan laba geesood ah oo dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia

0
Tuesday November 17, 2020 - 21:07:24 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1894
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ujeedka kulan laba geesood ah oo dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia

    UJeedadda Shir Burco Ku Dhex-maray Somaliland iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

UJeedadda Shir Burco Ku Dhex-maray Somaliland iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hargeisa(HWN):-Shir ku saabsan adkaynta Nabadgelyadda iyo isu socodka bulshadda ayaa magaaladda Burco ku dhex maray Somaliland iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.


Shirkaasi oo socday hal maalin ayaa la xidhiidhay sidii loo xoojin lahaa Ammaanka, isu socodka dadka ee labadda dhinac iyo la dagaalanka Mukhaadaraadka.


Waxaanna shirkaasi dhinaca Somaliland ka qayb galay Badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, Maayarka Burco iyo Badhasaab ku-xigeenka gobolka Daadmadheedh.

Halka dhinaca dawlad deegaanka Itoobiya ay shirka ku metelayeen Wasiirro, Saraakiil ciiddan iyo Maamulka gobolka Jarar ee DDSI.

Qodobadii shirkaasi lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa sidii wax looga qaban lahaa Miinnooyinka ku aasan xuduudka u dhexeeya goboladda Togdheer, Daadmadheedh iyo Jarar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

In la fududeeyo isku socodka bulshadda labadda dal gaar ahaana kuwa xoolo dhaqatadda ah xiliyadda ay abaaruhu jiraan.

Sidoo kale, in wada jir wax looga qabto wax kastoo Amaan-darro ah, isla markaana haddii uu qof danbi ka gaysto dhinaca Somaliland oo uu u gudbo dhinaca DDSI in loo soo gacan geliyo dawladda uu danbiga ka galay.

Geesta kale waxaa shirkaasi lagu magacaabay guddi heer gobol ah oo ka wada shaqeeya fulinta qodobadii shirkaasi lagaga heshiiyay.

Loading...
Loading...