Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisa ha la xasuusiyo inaaney aheyn Mucaaradkii dalka ee ay yihiin Xisbul-Xaakimkii iyo Xukumadiisii labbad

0
Friday April 26, 2019 - 11:12:01 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisa ha la xasuusiyo inaaney aheyn Mucaaradkii dalka ee ay yihiin Xisbul-Xaakimkii iyo Xukumadiisii labbad

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisa ha la xasuusiyo inaaney aheyn Mucaaradkii dalka ee ay yihiin Xisbul-Xaakimkii iyo Xukumadiisii labbad ?

.

Kollay Annigu waa ku ogaa Caqligaa iyo indho-adkaanta noocan ah ee hore Ummadda ugu raacday iyo Maanta ay keenan kud ka guud oo qanjo-u guud arinka ah ee shalay la wadaageen maqalkiisa iyo hadafkiisu wax uu yahay.

Sidda uu iminka Xisbiga Kulmiye wax kuwada waa wax aad looga xishoodo kunaa habooneyn inay Ummada la hor-yimaadan ficil iyo Aragtidan aadka u jabban .

Waa ognahay arimaha la isku diidsan yahay , waxay yihiin siddo kale waa ognahay inaan Wada-hadal mudan oo la islaA eegaayo waxyabaha Qaranka horyaal ee faraha badadan sidii ugu habooneyd iyo sidda ugu wanaagsan wax looga qabanaayo wax loogga qaban karro.

.

Tallabada iyo ficilka Kulmiye iyo UCID la wadaageen uummadu ma ha mid Wakhtigii amma goortii ku habooneyd laggu dhaqaaqay kumaan darin haddii ay feedhaha Ummada, tirsadeen oo waxay doonaan ka dhicinnkaraan khalad iyo saxba amma Sharci iyo sharci-darro ba. Wada-shaqeynta iyo ku shaqeynya qawaninta sharciga waa muhim waana mid looga baahan inta badan Xisbiga xisbul-xaakimka iyo Xukumadiisu aad iyo aad ugu dadaalan inay ku dhaqmaan balse hadda sidda Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadiisu door-bidayso ayaadaba kow ka ah in sharci-darrad iyo isma-qiiqis wax ku hogaamiso.

Maanta si waafi ah ayey markhaatiga Ummada Jamhuuriyada Somaliland u furaysa (9-sanadood )ee labbada Xukumadood ee Kulmiye ahi ay Dalka Hogaanka hayaan in dhaawac weyn oo dhinac kasta ah soo gaadhay Jamhuuriyada Somaliland balse sidda muuqta taa uguma jirto diwaanka dib-eegista iyo baadhista guul-darooyinka Xisbul-xaakimku u horseeday Qaranka iminka waxabey gashadeen Rikoodka cajalada aha "hore-ayaa loo cararya "saxdi iyo dib-eegis hadalkeeda.

.

Waxa Kaalin muhiim ahi ugu jirta xoogag Mucaaradka gaar ahaan Xisbiga Wadani hasa yeeshe waxay ku xidhan tahay sidda ay u fahamaan fursadaha and u qaaliga ah ee Xisbul-xaakimku siinaayo si hadyad ah , kuwo hore u soo maray oo farro badan oo Xisbiga Wadani ku hagaagi waayey waa jireen kuwan Maanta mar kale u diyaar ah bal eegna sidaa ay u wajahan.

.

Layaab ma leh Xisbiga UCID markiiba horaanbu sharcig waxa la yidhaadhdo ku dhaqmin Faysal ayaa leh sidda uu doonan wuu ka yeelan waa xaqiiqda jirta ee dhabta ah ee qofka Caadiga Imaan iyo Caafimaadka qaba qiraayo ogsoon yahay na, kaalinti Xisbi Qaran waa qaatay laakiin ma leh himiladiisa iyo heybada Xisbi Qaran oo waliba mucaraad ah.

.

Waxa aan odhan karrna waxa la doonaya waa daan-daansi iyo in Xisbiga Wadani wax aan qaban lagga doono. Dhinac Xisbiga wadani ma diidi karro waxa waaqiciga ah ee dalka ku sugan yahay marka lagga eego Dhaqaale xaladaha kale ee la xidhiidha Nabad gelayadda Hanaanka Asxaabta badan iyo Doorashooyinka afarta goor muddo-dhaafay ee dhaawac iyo dhiig baxa ku aha Qarannimada iyo jirtinaanka Jamhuuriyada Somaliland iyo haykalkeeda dawaldnimo, wax-badan oo horumar iyo wax-qabada leh ba dib inooga dhigay,Caalamka kasbashadiisi meel adag inagga taagay.

.

Mar kale waa mid aad ugu muhiim ah Xisbiga Wadani in doorashadu qab-soonto waayo Xisbiga wadani ma laha Xubno Xalaal ah o Golaha Wakiilada, ugu jira oo Doorasho ku yimi marka dhowrka Xubnood ee u soo digo rogtay kuwo sameyn mug iyo miisaan leh ma ah marka lagga eego Aqalka Golaha Wakiilada fadhiidka ah .halkanna wax kast oo Xukumadu doonayso ayada isu heysa Shaanbada waxayna heysta kalsoonida iyo inta ugu badan ee Golaha Wakiilada ka soo xaadira.

.

Halka marka ay taagan tahay Xisbiga Wadani , waa lagama-maarmaan inaanu noqon mid wali xasuustii doorashad Madaxweynaha ee ina dhaaftay ka sii dhexe guuxayso ee u ahaada mid la leh hadad iyo il-dheergaradnimo Siyaasadeed, Aqooneed iyo samato-bixinta howl laha Qaranka ka ee u bahan ka midho-dhalinta iyo dhaqaaninta iyo Garashada Quluubta ,Cududa Ummadda Jamhuuriyada.

.

Geed ay ku xoqoto ba ha weyde waxa Xisbiga Wadani waa inuu aad ugu debecsanaada danta Qaranka, iyo baahida guud ee mudan in la looga soo baxo sidda saxda ah ee waajibka Dastuuriga ah.



Gunaanadka iyo Gebo-gebada .

.

Ummadu waa u diyaar isbedel Nadaam Dawladeed ,siyaasi iyo mid nolaleed ba hasa yeesh cid gabtay waxa weeye mucaaradka oo aan wali cagta saarin dhabihi himilada iyo hogaanka Qaranka ku beegan lahayeen. Mid waakan Xisbul-xaakimku jeebada uu gashaday ee sideeda ba ka tanaasulay Kaalintii Mucaaradka ee dastuuriga ah ku waajibka .

.

Xisbiga kowaad ee quwada mucaaranimo heysta wali waxa ka sii dhexe guuxaya doorashadii Sandkii hore dhamaadkiisi dalka ka dhacaday waxii kala kulmay ku dhac-danbe iyo sidii uu keewad u sudhan laha halbaw-layasha muhimka ah ee u sahli karra si yar inuu Kulmiye iyo Xukumadii u biyo-dhiijiyo , isla markaan Sharciga iyo Shuruucda Qaranka ee lagga dul-booday halkood dib igu soo celiyo.

.

Waa taasee yaa u sheego ka dhaadhiciya Xisbiga Wadani in guulihu indhaha-ka la linaayo.

Waxa aan leeyahay Xisbiga Wadani iyo Xulufadiisa Siyaasiga ah Guulaha Qaranka ee kula gudbooni inaad garato gurato-weeyaan inaad garab-marto ma kula gudboon.

Aragtida Muwaadinka iyo Fikrada Xort ah.


[email protected]

Abokor I Mohamud.

Waa Billahi Towfiiq.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...