Siyaasi Cali Mareexaan Oo Ka Hadlay Xaalada Uu Ku Jiro Gobolka Togdheer Iyo Ganaaxa Ciyaaraha Laga Saaray
Hargeysa(HWN):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Siyaasi Cali Marexaan ayaa ka hadlay ganaax xulka kubada cagta ee Gobolka Togdheer ay dhawaan dul dhigtay Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland, waxaanu ku tilmaamay mid aan sax ahayn, isagoo sheegay in la iskaga iman doono marka ay ciyaaruhu dhammadaan oo dib u eegis lagu samayn doono.
![]() |
Cali Mareexaan oo ku sugan Magaalada Burco ayaa sidaas ku sheegay mar uu la hadlayey Telefishanka MM TV,waxaanu ku bilaabay sidan :-" Horta maalintii ay ciyaartaas dhacday annigu garoonka ayaan joogay oo dadkii daawanayey ayaan kamid ahaa horta wax weyn oo aad u weyni ma dhicin wax-yaabo mararka qaar iska dhaca oo ciyaaraha ka dhex-dhaca ayey ahayd, lakiin waxaad moodaysay in reer Hargeysa uu kaftankii la yar fogaaday wax-yaabo dhawr ah oo dhacay intii ay ciyaaruhu socdeen Telefishankii Qaranka oo doonaya inuu ciyaartowgii gobolka Togdheer uu soo bandhigo loogadiisiina uu soo raaciyo oo masay qaa-qaawan oo meelaha afrikada dhexe ordaysa la soo bandhigay oo la yidhi waa ciyaartowgii reer Burco .”
Waxaanu uu intaas ku sii daray "Markaa meesha dhib weyni ma jirine reer Hargeysa ayaa kaftankii la jiidhay oo la fogaaday, iminka oo aan Burco joogana iyana Hargeysa ayey la kaftamayeen oo ay lahayeen waar Caasimaddii ayaad tihiine wax isula hadha.”ayuu yidhi Cali Marexaan
Dhanka kalene Ex Wasiir Cali Marexaan ayaa sheegay in aanay suurtagal ahayn in afar sanno iyo shan sanno Ciyaaraha ay ka maqnadaan xulalka Hawd iyo Togdheer, balse la iskaga iman doono arrintaas "Waana wax la dhammayn karro oo ciyaaruhu marka ay dhammadaan la iskaga iman karro afar sanno iyo shan sanno toona Ciyaaraha laga maqnaan maayo oo dhalinyarrada ayay niyad jab ku tahay, waxa kale oo jira dhalinyaradii Burco u ciyaaraysay lama wada saari karro ciqaab guud, waayo waxa ku jiray qaar aad iyo aad u akhlaaq wanaagsan una ciyaar wanaagsan, laba ama saddex kamid ahi waxay sameyeen in loo wada ciqaabo ma fiicna .” ayuu yidhi.
Mar uu la hadlayey reer Burco ayaa waxa uu yidhi "Reer Burco laftoodu marka ay qof qof tahay cid aduunyadda inaga fariidsani ma jirto oo cid inaga aftahansani ma jirto,oo cid inaga deeqsi sani ma jirto oo cid inaga xigmada baddani ma jiro oo inaga taariikh baddan,lakiin marka ay arrimuhu isku yimadaan waxeena wagash wagasha baddan iyo dib u dhac badan ayaa ka muuqda,markaa midnimo iyo qurux iyo ficil ayaa loo baahanyahay ilayn nolashu waa tartane,fursadaha ay haystaan reer Burco cid haysataa ma jirto,’
Siyaasi Cali Marexaan ayaa haddalkiisa ku soo afmeeray sidan:-"Guud ahaanba waxaan Somaliland oo dhan odhan lahaa gaar ahaana reer Hargeysa , Magaaladan Burco la yidhaah-daa waa Magalada dadka Cadowga inagu ah ee Qaranimadeena ka soo horjeeda waa Magaalda marka ay Magaceeda maqlaan Somaliland lagaga baqo markaa haddii aanay Burco jirin Somaliland waa la qabsan lahaa markaa waa Magaalada la inagaga waabtee waxaan idin odhan lahaa yaan lagu soo deg-degin .” Ayuu yidhi Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud.