Biyo La'aan Ba'an oo laga Soo Sheegay Gobolka Buuhoodle

0
Friday April 26, 2019 - 10:50:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biyo La'aan Ba'an oo laga Soo Sheegay Gobolka Buuhoodle

    Buuhoodle(HWN)- Waxgaradka Gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in deegaannada gobolkaasi ay u baahan yihiin Gurmad biyo dhaamis ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuhoodle(HWN)- Waxgaradka Gobolka Buuhoodle ayaa sheegay in deegaannada gobolkaasi ay u baahan yihiin Gurmad biyo dhaamis ah.

Sidaasna waxa sheegay Maxamuud Xuseen Jibriil oo ka mid ah Waxgaradka gobolka Buuhoodle oo u warramay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA), waxaanu sheegay in wax roob ah oo laga cabay weli ka da’in degmooyinka Buuhoodle, waxaanu tilmaamay in gobolkaasi ay ka jiro baahi biyo la’aaneed oo u baahan gurmad degdeg ah.



Oday Maxamuud Xuseen Jibriil wuxuu sheegay in ay fadhiisteen ceel biyoodyada Xadhadhanka iyo Qabri-huluul, arrintaasina ay saameynta biyo yaraanta ka jirta deegaannadaasi.


Waxa kaloo uu u mahadceliyey Hay’adda Save Children oo biyo-dhaamis u sameysay dhawaan Sagaal tuulo oo ka mid deegaannada Buuhoodle.


Maxamuud Xuseen Jibriil wuxuu ugu baaqay Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland inay wax ka qabato ceelasha xumaaday isla markaana gurmad biyo dhaamis ah u sameysto bulshada Gobolka Buuhoodle.


Geesta kalena, Isku-duwaha WasaaraddaHorumarinta Biyaha ee Gobolka Buuhoodle, Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar oo aanu la xidhiidhnay ayaa Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) u xaqiijiyey in Wasaaradda horumarinta Biyuhu ay ku hawlan tahay sidii loo dayactiri lahaa Ceel biyoodyada Gobolka Buuhoodle isla markaana aanay waxba kala hadhaynin sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta ka jirta gobolka Buuhoodle.


Axmed Cabdilaahi Sh. Cumar IskuduwahaWasaaradda Horumarinta Biyaha gobolka Sool,wuxuu xusay in 19 tuullo oo ku yaalla galbeedka Buuhoodle ay u baahan yihiin biyo dhaamis, waxaanu Hay’adaha ka shaqeeya Biyaha ku boorriyey inay ka qeybqaataan gurmadka biyo dhaamiska ee looga baahan yahay Gobolka Buuhoodle.


Iskuduwuhu wuxuu uga mahadceliyey kormeer Wasiirka Biyuhu dhawaan ku tagay qaybo ka mid ah gobolka Buuhoodle, oo uu indhihiisa ku soo arkay baahida dhinaca biyaha ee ka jirta deegaannadaas.

Loading...
Loading...