Itoobiya iyo Shiinaha Oo Heshiisyo Horumarineed Kala Saxeexday

0
Friday April 26, 2019 - 09:47:36 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya iyo Shiinaha Oo Heshiisyo Horumarineed Kala Saxeexday

    China(HWN)- Ra'iisul-wasaareyaasha Itoobiya iyo Shiinaha ayaa kala saxeexday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

China(HWN)- Ra'iisul-wasaareyaasha Itoobiya iyo Shiinaha ayaa kala saxeexday

heshiisyo kor loogu sii qaadayo iskaashiga u dhexeeya dawladaha Itoobiya iyo Shiinaha.



Ra’iisul-wasaaraha Shiinaha Mr. Li Keqiang ayaa sheegay in dalkiisu sii wadayo dedaallada Itoobiya ay ku horumarinayso dhaqaalaha waddankeeda.


War qoraal ah oo ka soo Baxay Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in labada Ra’iisul-wasaare ee Shiinaha iyo Itoobiya ay qalinka ku duugeen shan heshiis oo ay ku jiraan maalgelin dhaqaale, Tababaro sare oo xirfadeed iyo Waddooyin cusub oo laga binaynayo Itoobiya.


Socdaalka Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku tagay Shiinahaayaa qayb ka ah qorshahiisa uu ku soo jiidanayo Maalgashiga Shiinaha.


Hadhwanaagnews

Loading...
Loading...