Xukuumadda Biixi oo Jabuuti u Saxeexday Heshiis Madaxweyne Siilaanyo ka diiday 2012-kii

0
Monday November 16, 2020 - 11:58:16 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Biixi oo Jabuuti u Saxeexday Heshiis Madaxweyne Siilaanyo ka diiday 2012-kii

    Somaliland: Xukuumadda Biixi oo Jabuuti u Saxeexday Heshiis Madaxweyne Siilaanyo ka diiday 2012-kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Xukuumadda Biixi oo Jabuuti u Saxeexday Heshiis Madaxweyne Siilaanyo ka diiday 2012-kii

Hargeisa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ee Muuse Biixi hoggaamiyo, ayaa dowladda Djibouti u saxeexday heshiish Madaxweyne Siilaanyo 2012-kii ka diiday Jamhuuriyadda Jabuuti, kaas oo ah heshiis Biyo ay marar kala duwan dalbatay lagu siiyo.
Muuse Biixi Oo Sameeyay Xil ka Qaadis Iyo Magacaabis – Goobjoog News


Shir laba geesood ah oo ay labada wadood heshiis ku kala saxeexdeen ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland ku dhexmarray Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaas iyo Dhiggiisa dalka Jabuuti.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu heshiis dhinacyo badan taabanaya la saxeexday Wasiirka Biyaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga ee Dowladda Jabuuti Md Maxamed Axmed Cawaale oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku jooga dalka.

Waxa xusid mudan in heshiiskan Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo, dowladda Djibouti ka diiday 2012-kii, ka dib markii uu ku xidhay Shuruud ahayd in biyo kala qaadashada ay ka horreyso aqoonsigu, ka dib markii Madaxweynaha Jabuuti Mr. Geelle ka dalbaday Mr. Siilaanyo inuu ku wareejiyo laba Ceel-biyood oo ka mid ahaa Shan Ceel-biyood oo ku yaalla Xadka labada dal, isla markaana dowladda DJibouti dib u habayn ugu samaysay dadka deegaankaas.


Loading...
Loading...