Nin Qubrus Ku Sugan Oo Qirtay In Uu Dilay Toddobo Dumar
arrintaas oo warbaahinta gudaha ee dalkaasi ay ugu yeertay "ninkii ugu horreeyay ee dad badan laaya".
Labo mayd ah ayaa la helay bishan horraanteedii, mid saddexaadna Khamiistii.
Ninkii looga shakiyay oo ah askari ka tirsan ciidammada Qubrusta Giriiga oo 35 jir ah ayaaba qirtay in uu kuwo kalana laayay.
Booliiska ayaa hadda raadinaya maydadka dumarka kale, iyaga oo ka shidaal qaadanaya xogta uu bixiyay.
Dumarkan ayaa u badan Hindiyaan iyo Nepalese, waxaana ka mid ah haweenay reer Romania ah iyo gabadh ay dhashay oo siddeed jir ah.
Waxaa sidoo kale la la'yahay gabadh 6 jir ah oo ay dhashay dumarkaas la laayay.
Baareyaasha ayaa helay maydka saddexaad Khamiistii ka dib markii ninka laga shakisan yahay uu geeyay goob uu ku sheegay in uu maydka ku tuuray oo u dhaw magaalada caasimadda ah ee Nicosia.
Ninkan laga shakisan yahay ayaa gabadha dhimatay kula kulmay bar internet oo la isku shukaansado, waxaana la la'aa tan iyo bishii Disembar ee sannadkii 2017.
Saddexda dumarka ah ee maydkooda la helay dhammaantood dalka Philippines ayay ka soo jeedaan.
Wali lama shaacin ninka dadkan laayay.
Booliiska ayaa kordhistay wakhtiga xasbiga lagu sii hayn karo ninkan laga shakisan yahay, khuburo reer Britain ah ayayna ka dalbadeen in ay ka caawiyaan baaritaanka.
BBC


0 





