Khilaafka Mar Kale Ka Dhex Qarxay Wasiirka Gaadiidka Iyo Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo.

0
Thursday April 25, 2019 - 21:26:36 in News by
  • Visits: 4853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafka Mar Kale Ka Dhex Qarxay Wasiirka Gaadiidka Iyo Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo.

    Khilaafka Mar Kale Ka Dhex Qarxay Wasiirka Gaadiidka Iyo Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaafka Mar Kale Ka Dhex Qarxay Wasiirka Gaadiidka Iyo Maareeyaha Hay'adda Wadooyinka Iyo Halka Uu Salka Ku Hayo.


Hargeysa(HWN):-Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo maareeyaha hay’adda wadooyinka Eng. Cismaan Sheekh Cabdi ayaa mar kale khilaaf culusi soo kala dhexgalay.




Sida ay sheegayaan warar soo gaadhay shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews khilaafka cusub ee labadan masuul ayaa ka bilaabmay ka dib markii uu wasiir Cabdilaahi Abokor amray in mushahar dhimis lagu sameeyo inta badan shaqaalaha ka hawl gala hay’adda wadooyinka halka uu qaar kalana amray inaan waxba laga jari Karin.


Talaabada wasiirka ayaa waxa si cad uga horyimid maareeyaha hay’adda wadooyinka Eng. Cismaan Sheekh Cabdi kaas oo jawaab uu u diray wasiirka ku sheegay inaanay suuragal ahayn in mushahar dhimis lagu sameeyo shaqaalaha isaga oo tilmaamay in duruufo dhaqaale ay wadanka ka jiraan isla markaana habka wax looga jaray ee wasiirku amrayna aanay ku fadhiyin cadaalad.


Khilaafka labadan masuul ayaa si toos ah u sameeyey shaqada hay’adda horumarinta wadooyinka iyada oo shaqaalihii ka hawl galayey hay’adaasi ee mushahar dhimista lagu sameeyeyna diideen inay u hogaansamaan amarka wasiirka isla markaana aanay ilaa hada qaadan mushaharkii bishan oo lagu saleeyey amarka wasiirka.


Sidoo kale wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa fara gelin ku sameeyey shaqadii maareeyaha hay’adda wadooyinka Eng. Cismaan Sheekh Cabdi isaga oo magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha ka hawl gala hay’addaasi talaabadaas oo lagu macneeyey mid uu maareeyahana si dadban ugu wargelinayo inuu kala wareegay shaqadii oo uu wasaaradiisa hoos imanayo.


Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa iska indha tiray hay’adda shaqaalaha dawlada oo leh awoodo u ogolaanaya wax ka badal lagu sameeyo mushaharka shaqaalaha, iyada oo aanay ilaa hada muuqan in hay’addu kula socoto talaabadaas uu qaaday.


Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaan ilaa hada waxba ka qaban khilaafka labadan masuul oo jiitamayey tan iyo bilawgiii mudo xileedka xukuumadiisa, iyada oo ay muuqato in khilaaf wasiir Cabdilaahi Abokor iyo maareey Eng. Cismaan Sheekh Cabdi uu dibada u soo baxayo mar kasta oo uu talaabo qaado wasiirka gaadiidku, waxaana markan la dhawrayaa go’aanka uu ka qaato.


Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:-[email protected]

Loading...
Loading...