Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xidhay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Gudaha

0
Thursday April 25, 2019 - 21:21:06 in News by
  • Visits: 8510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xidhay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Gudaha

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xidhay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Xidhay Afhayeenkii Wasaarada Arimaha Gudaha


Hargeysa(HWN):-Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa amray in la xidho afhayeenkii wasaaradaasi Jamaal Mahdi.


Afhayeenkii wasaarada arimaha gudaha somaliland Jamaal Mahdi oo haatan ku xidhan xarunta dembi baadhista ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga waramay sababaha keenay in la xidho.

Related image


Afhayeenka wasaarada arimaha gudaha Jamaal Mahdi ayaa qoraalkiisa ku yidhi sidan "Wasiirka arimaha gudaha ayaa aniga oo jooga xafiiskayga iiso diray agaasimaha guud kaas oo ku soo amray inuu xafiiska layga saaro furahana layga wareejiyo, MarKaan furihii ku wareejiyey agaasimaha waxa markiiba anigoo hortaagan xafiiskayga I qabtay taliyaha turbataariyada iyo ciidan uu wato. Waxa lay geeyay CID-da waxaanay ii sheegeen in laygu haysto qoraal Facebook kayga ku qoran.


"Hore wasiirku isaga oo aan warqad ii soo qorin ina ogaysiin waxa uu xafiiska keenay wiil uu isagu keensaday. Tani waxay daba socotaa siduu wasiirku xafiiska iiga saari lahaa xadhigana isagaa ka danbeeyay."

"Waxa laydiiday in ay qoyskaygu i arkaan waxaana laygu xidhay qol gaar ah."


dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in xadhiga afhayeenka uu keenay ka dib markii uu qoraal uu ku dhaliilayo ciidamada ku baahiyey bogiisa facebook, kaas oo u dhignaa sidan





Hadhwanaagnews.com/Office


Hargeysa/somaliland

Loading...
Loading...