Cabdi Manaanow Gadhku Gadhkaad Mooday Ma'aha

0
Sunday November 15, 2020 - 09:40:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1077
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Manaanow Gadhku Gadhkaad Mooday Ma'aha

    Qore: Cabdi Muxumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Cabdi Muxumed

 

Waxaa beryahan danbe soo yeedhaysa qaylo dhaan kale oo ay dabada ka riixayo Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan) kaasi oo ay aragti ka dhaxayso isaga iyo lacagta iyadoo isaga iyo qoyskiisa reer Biixi Cabdi ay saf ballaadhan ugu jiraan in ay afka u dhigtaan il kasta oo dhaqaale ka soo galayo iyadoo ay adeegsanayaan awooddii dawladnimo ee Somaliland iyadoo ay is feeraarintaa ka qayb qaadaanayaan cid kasta oo ka tirsan qoyska reer Biixi Cabdi ha noqdeen yarka uu dhalay ee Maxamed Muuse Biixi oo ah kan loo tirinayo qabsashada Cabdi Manaan Yuusuf iyo TVga  Astaan ee uu maamulaha ka ahaa kaasi oo sida sharci darada ah xilli habeeno ah looga qafaashay magaaladda hargaysa iyadoo waliba sirdoonku hawshaa fuliyeen sababtay u fuliyeen ka sakow amarka qoyska madaxtooyaddu  ahayd in mar haddi uu cadaalada ka fogaa afduubkaasi in si  abaabulan loo fuliyo laguna fuliyo meel mugdi ah.

 

 

 

 ku qabsashada il kasta oo dhaqaale ka soo galayo muwaadiniinjta Somaliland ay is  tustay qoyskan caydha ah ee reer Biixi Cabdi sida keenista shidaalka dalka muwaadiniinta ee loo awood sheeganayo sida buurta kala jeexan oo qasab lagaga raray in ka badan 300 oo qoys ama meel kasta oo ay u arkaan ina ay ka dheefi karaan faa’ido cuddoon inaanay wax tix galin ah siinin muwaadiniin loo abuuray shaqo sida kuwa Astaan Tv oo ka badan 200 oo hablo iyo inamo isugu jira kuwaasi oo lagu ladhi doono qof kasta oo ka mid ah dhalinyaradda shaqadda abuuratay inay ay ku sii daba nool yihiin 6 qof oo kale oo qoysaskooda ka mida  waayo sidaa celecelis ahaan( average) qoysaska  soomalida ay tahay 6 qof. Yaase dan ka leh shaqo abuur iyo burburin hanti somaliland waxa kaliya ee uu maqlaa Muuse Biixi Cabdi (wax ma yiqaan ) waa lacag kaasi oo ah shufeerka dabada ka riixayso qoyskan caydha ah ee reer Biixi Cabdi oo aad moodo caydhii Go’a oo saban hore uu haleeshay faqri iyo wax la’aan kuwaasi oo halkaa kaliya ee ay wax ka arkaan ka tahay hunguriga.

 

Alamsay waxa uu u ahaa nin u dhashay gobolka togdheer oo taageere wayn u ahaa   gobolkiisa Togdheer aadna u jeclaa lana garab taagnaa markasta in uu guusha koobka gobolad Somaliya qaado waana xilligii xukuumada Siyaad Barre dalka ka talinaysa oday Alamsay caan ayuu ahaa oo gees ilaa gees waa laga yaqaanay dalkii hore ee Somaliya la isku odhan jiray kaasi oo kal ah Somaliland iyo Somaliya hadda.

 

Haddaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa Burco badhtankeedu waxa isku qabsaday labo nin oo arrin isku haystay kuwaasi oo ahaa Burco soo galaytiya oo dhawaan uun ku soo biiray magaalada ee aan ahayn dadkii u dhashay Burco ee ku soo koray taasi waxa ay labaddii nin tustay in uu arrinkooda dhamaynayo ninkii Alamsay ee gadhka wayn la baxay oo aad aragtidiisa moodayso sheekh caalim ah isaga oo aan haba yaraate wax shaqo ah ku lahayn sheekhnimo iyo warkeeda waxaana mid labaddii nin ka mid ahi ku tiraabay  adeer aniga iyo ninkan  noo garqaad waxaanu isku haynaa arrinkan,taasi oo fajiciso ku nqotay Alamsay markiibana tustay inaanay ahayn ciyaalo xaafo u dhasahay Magaaladda Burco haddi kale ay si sahal u garan lahaayen Alamsay oo ilaa riyaha Burco yaqaaneen oo cid kale ku qaldaynin  oday Alamsey dabadeed waxa uu reebay weedh caan Noqoto oo qof kasta oo Alamsay yaqaanay  ama maqlay magaciisa haddiiba aanu soo gaadhin aragti ahaan ama la kulmin Oday Alamsay maqalay weedhahaasi taasi oo ahayd "Adeer gadhku gadhkaad moodayso ma’aha”



 

Waxaan haddaba maqaalka ciwaan u dhigay weedhaha xambaarsan ee uu ka tagay alla ha u naxariiste oday Alamsay u qoray laba sababood oo kala ah midka hore inaan Cabdi Manaan Maxamed hogga tusaaleeyo cidda ay tahay qoyska madaxtooyada Somaliland ka doobinaysa maanta barina cidda ay yihiin, ta labaad oo ah inaan isaga ku amaano waxa uu dalkiisa hooyo oo aan cidna kalahayn  ee Somaliland maal iyo maskax ba galiyay inuu shaqaalaysiiyo in kabadan 200 oo qof oo shaqaale ah oo mid kasta ay ku sii xidhnaan karaan lix qof oo kale oo qoyskiisa ah sida ay celcelis ahaan u badan tahay bulshada Somliland iyo ta soomaaliyeedba.

 

Hadda oo aan Maqaalkan dhameeyay waxa I soo gaadhay in lagu xukumay xaddi lacagga oo ah billion Somaliland Shillin iyo Xadhig ah 6 saano taaso oo la is waydiin karo muxuu ku mutaystay Cabdi Manaan Yuusuf tacaddiga inbtaa le’eg kaliya jawaabtu waa Boqortooyadda reer Biixi             Cabdi ee Taajirnimo doonka ah ayaa albaabadda iskugu dhuftay TV Astaan iyo 200 ee shaqaalaha ka ahaa ee ay ku sii daba noolaayeen 6 qof oo qoyskoodda ka tirsani haddaba Muuse waa kii ninkii Mujaahid u yaqaanay iyo ninkii kalawba Somaliland guud ahaan iyo Cabdi Manaan Yuusufba waxa ay Eedeen oo Eersadeen Iimaan la’aanta reer Biixi Cabdi (Dameere) masay eedin fartooddii ay ugu codeeyeen Muuse Biix Waxmayaqaan.

 

 

Qore: Cabdi Muxumed

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...