Daraasad soo bandhigtay saamaynta uu Covid-19 ku yeeshay maskaxda iyo caqliga dadka ka bogsaday xannuunkan

0
Saturday November 14, 2020 - 09:47:55 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daraasad soo bandhigtay saamaynta uu Covid-19 ku yeeshay maskaxda iyo caqliga dadka ka bogsaday xannuunkan

    Daraasad xog-ururin ah oo lagu sameeyey saamaynta uu fayraska COVID-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Daraasad xog-ururin ah oo lagu sameeyey saamaynta uu fayraska COVID-19

ku yeeshay xaaladaha caafimaad ee dadka, ayaa lagu ogaaday inay xannuuno dhinaca maskaxda ah ay haleeleen hal ruux oo ka mid ah shantii qof ee uu ku dhacay Coronovirus (1 in 5), si kale haddii loo dhigana 20% dadka ka bogsaday Covid-19 waxa ay la liitaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca maskaxda ah (psychiatric disoder).



Daraasadan oo ay sameeyeen khubaro ka socda Jaamacadda United Kingdom’s Universty of Oxford, natiijada ka soo baxdayna lagu faafiyey telefiishanka Aljazeera caawa (habeenka Salaasa, 10 November 2020), waxa lagu caddeeyey in dadka ka bogsaday fayraska covid-19 ay la il-daran yihiin xannuuno dhinaca maskaxda ah oo ay ka mid yihiin welwel joogto ah oo aanay hore isugu ogayn, walaac, xaalado maskaxeed iyo hurdo yaraan ka dhalatay degannaansho la’aan dhinaca maskaxda ah, waxayna daraasaddu ku talisay in wixii hadda ka dambeeya si joogto ah looga hawlgalo sidii dadka dhibbannayaasha ah looga daawayn lahaa raadadka dhinaca maskaxda ah ee uu ku reebay Coronovirus.


Si cad daraasaddu umay bayaamin sababta keentay in xannuuno dhinaca maskaxda ah ku dhacaan dadka ka bogsaday Covid-19, balse waxay khubaradu iftiimiyeen inay suurtogal tahay in fayrasku weerar la beegsado maskaxda iyo caqliga qofka (brain and mind), iyagoo caddeeyey in xaaladaha dhinaca maskaxda ah ay qofka ka soo shaac-baxaan inta badan 90 maalmood kadib marka uu ka bogsado covid-19.


Geesta kale, qoraal caafimaad oo lagu faafiyey aljazeera taariikhdu markii ay ahayd 1 September 2020, ayaa lagaga hadlay dhibaatooyinka dhinaca maskaxda ah ee uu Covid-19 ku yeelan karo dadka uu ku dhaco, iyadoo dhakhaatiirta qoraalkaas diyaariyey ay ku soo bandhigeen talooyin kala duwan oo la xidhiidha qaababka looga hortegi maro xannuuno dhinaca maskaxda ah oo ka dhasha fayraskan saamaynta adag ku yeeshay caalamka oo dhan.


Waxa qoray Maxamed Cirro

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...