Waxbarasho: Soo Saaraha Muwaadin Tayo Leh, Khibrad Iyo Hogaamin Isbadal Oo Singapore Laga Helay.

0
Saturday November 14, 2020 - 09:24:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1099
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxbarasho: Soo Saaraha Muwaadin Tayo Leh, Khibrad Iyo Hogaamin Isbadal Oo Singapore Laga Helay.

    W/Q: Muuse Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Muuse Cabdi

Nidaamka waxbarasho waa aalad loo adeegsado in lagu horumariyo khayraadka ugu muhiimsan ee uu waddan leeyahay kaas oo ah Dadka, dadku haddii ay noqdaan kuwo ay xirfadooda iyo aqoontoodu ay sarrayso waxa iyana hubaal ah in hal-abuurada ganacsi iyo wax soosaarka waddankaasi inay kordhayaan. Waxbarashadu sida oo kale waxa ay saamaxdaa in uu abuurmo dabar isku haynaya dhinacyada kala duwan ee bulshada, waxana ay sidoo kale xoojisaa wadaniyadda iyo dhaqanka bulshada.

 

Ma sahlana in saamaynta waxbarasho si deg-deg ah loo ogaado, maadaama ay ugu yaraan 12 sanno ku qaadanayso ilmaha inuu ka qalinjabiyo dugsi sare islamarkaasna uu ugudbo heer jaamacadeed, tanina waxa ay cadayn u tahay siyaasad kasta oo la rabo in waxbarashada waddanka wax loogaga badalo saamaynteedu waxa ay muuqanaysaa mudadaas 12 sanno ah dabadeed. Waddanka Singapore oo ah dalalka waxbarashada ku horumaray ayaa siyaasadahooda waxbarasho dajiyay gumaysigii Ingiriiska kadib, hal-ku-dhigyadii ugu saamaynta badnaa ee ay wakhtigaas adeegsadeenna waxa kamid ahaa "Horumarka Waxbarashada, hubinta tayada waxbarasho, yaraynta cilmiga aan manfaca lahayn”

 

Nidaamka waxbarashadu waayadan danbe wuxuu isku badalay inay noqoto mid uu ardaygu halbawle u yahay (Student-centered) tanina si wayn ayay uga hirgashay Singapore, waxaana ay hadda kamid tahay waddamada ay tayadooda waxbarasho ugu sarayso dunida. Bal hadaba aynu eegno taariikhda waxbarasho ee Singapore. Singapore wakhtiyadii gumaysiga waxbarashadoodu waxa ay u kala qaybsanayd Afar qaybood oo kala ah:

 

I.dugsiyo tayo sare leh uuna maalgaliyay Ingiriisku dhextaalka waxbarashaduna uu yahay Ingiriisi, waxaana lagu tababarayay hab-fikirka reer galbeedka,

 

 

II. Dugisyo Shiiniis ah oo ay maalgaliyeen dad ganacsato ah, kuwaas oo xidhiidh la lahaa dal-waynaha China, si ay ujeclaysiiyaan dhaqankooda, diintooda iyo waliba waxyaabaha ay aaminsan yihiin, waxaana sidoo kale ay wax ku baran jireen luuqadooda,

 

III. Hindida iyo dadyawga Malayga ahina waxa ay samaysteen dugsiyo ka turjimaya baahidooda iyaga oona dajistay luuqad ay casharada ku dhigaan,

 

IV. Dugsiyo ay sameeyeen wadaaddo diin-faafiyayaal ah sida kuwa kiniisadaha kaatoligga ah. Manhajka waxbarasho waxa uu qaabeeyaa nooca dadka aan rabno inaan helno mustaqbalka, sidaas darteed Singapore waxa usoo baxaysa caruur kala manhaj ah oo fikiradooduna kala duwan yihiin qolo kastana ay dhaqankeeda iyo diinteeda u arkayso inuu yahay ka ugu sareeya aakhirkana waddanka rabshado hor leh ayay ku furaysaa. Wasaaraddii waxbarashadu waxa ay wakhtigaas uguntatay sidii ay u abuuri lahayd siyaasad waxbarasho oo lagu midayno tafaraaruqa iyo kala duwanaanshaha manhajka waxbarashada, waxaana kamid ahaa:

 

1. In waxbarashada la fidiyo lana gaadhsiiyo goobaha miyiga ah,

2. In bulshada la isku soo jiido lana abuuro nidaam waxbarasho oo mideeya dhaqankooda, waxaana luuqadaha waxbarasho loo aqoonsaday; Ingiriisi, Shiinays, Malaay iyo Tamil. Dawladuna waxa ay midaysay manhajkoodii waxbarasho.

3. Si loo abuuro bulsho meel u wada socota, waxa goobaha waxbarashada laga bilaabay heesaha calanka iyo waliba maalmaha xoriyadda si dadka looga saaro kala qaybsanaantii jirtay,

 4. Waxa si gaar ah dugsiyada loogu xoojiyay maadooyinka la xidhiidha xirfadaha sida; Xisaabta, Sayniska iyo Tiknoolajiyada si ay qaab sahlan ula qabsan karaan deegaanka shaqada. Ra’iisal wasaaraha tacabka badan soo galiyay waddanka ee la odhan jiray Lee Kuan Yew waxa ay muhiimadiisu ahayd in uu dhalinyarada waxbaro si ay mustaqbalka unoqdaan dad wanaagsan iyo muwaadiniin waxtar leh.

 

Ra’iisal wasaaruhu waxa uu magacaabay guddi madax-bannaan oo soo baadha dhibaatootinka haysta waxbarashada waddanka, talooyinkii ay soo jeediyeena waxa kamid ahaa;

 

A. Wax ka badalid xagga manhajka ah, waxa la hirgaliyay nidaam waxbarasho oo laba luuqadood ka kooban Ingiriisi iyo luuqadaha kale Shiinays, Tamil ama malaay, si ay ardaydu iskula jaanqaadi karaan, waxa sida oo kale la ogolaa in ardaygii aan awoodaynin loo hirgaliyo inuu kaliya luuqadiisa wax ku barto iyadoo uu manhajku isku mid yahay.

B. In qaab dhismeedka wasaaradda waxbarashada wax laga badalo, waxa ay gudidu soo jeediyeen in wasaaradda waxyaheeda kala duwan aanu caddayn qaab-dhismeedkooda shaqo, isla markaasna loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo. Waxa waax gaar ah oo madax banaan laga dhigay Manaahiijta, waana qaybta keentay in tacliinta waddanku ay kor ukac wayn samayso. Waxa kale oo wax laga badalay qaabka ay u wada shaqaynayaan Maamulayaasha dugsiyada iyo Madaxda Wasaaradda Waxbarashadu, waxaana la sameeyey guddi si joogta ah uga war haysa mashaariicda waxbarasho eek a socda dugsiyada. Waxa sidoo kale la sameeyey gudiyo dugsiyadu ay leeyihiin kuwaas oo si joogto ah ula soo xidhiidha Wasaaradda Waxbarashada.

 

Badanka marka la dajinayo siyaasadaha waxbarasho waxa ay ahaayeen kuwo xagga sare ka yimaadda (Top-down) oo aan lagala tashan dadka sida joogtada ah uga war haya, tanina waxa ay abuurtaa dhibaato kasii badan tii hore ujirtay waxaana meesha ka baxa wada-tashiga iyo fikir-dhibaashada, dadkuna waxa ay noqonayaan uun kuwo go’aamada ka suga masuuliyiinta. Dhaqaale xumidu waa wax iman kara wakhtiyada qaar maadaama uu dhaqaalaha dunidu isku xidhan yahay, 1986kii waxa uu ahaa sannad uu Singapore soo maray hoos u dhac dhaqaale, balse hadana ra’iisal wasaarahoodu waxa uu waxbarashada ubalan qaaday inuu ku maalgalin doono $3 bilyan tobanka sanno ee soo socda, waxaana loo isticmaalay maaliyadaas qalabka tiknoolajiyadda si ay ardaydu u noqon lahaayeen kuwo hal-abuur leh oo bari wax cusub ikhtiraaci kara haddii uu rabbi ku simo.

C. Waxa kale oo la sameeyey maamul-daadajin wasaaradda waxbarashada ilaa dugsiyada ah, Ra’iisal wasaaruhu wuxuu dhiirigaliyay in la sameeyo dugsiyo madax bannaan si ay u tartamaan oo iskuul kastaa uu tayadiisa waxbarasho udhiso, taas badalkeedana ay ardayda kusoo jiitaan tayadooda, islamarkaasna uu isagu bixinayo arday kasta lacagtiisa waxbarasho, talaabadani waxa ay keentay inay iskuuladii tartamaan, dugsi kasta oo arday badan heli waaya waxa iska cadayd in tayadiisa waxbarasho aanay wanaagsanayn sidaas ayuuna ku xidhmayay intaanay wasaaraduba talaabo ka qaadin. Waxbarashada Somaliland waxa ay kamid ahayd tiirarkii ugu horeeyey ee la taagay maadaama ay qaranka dhismihiisa muhiim u tahay, hadaba marka aad eegto mudadaas 30ka sanno ah ee ay Somaliland jirtayma kula tahay inuu jiro koboc waxbarasho oo soo saari kara arday u carbisan inuu Somaliland dhaqaalaheeda wax kusoo kordhiyo?

 

ALLAA MAHAD LEH

W/Q: Muuse Cabdi

Email: [email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...