War Degdeg Ah: Rabshado Ka Bilaabmay Garoonka Hargaysa Stadium.

0
Friday November 13, 2020 - 20:09:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 6313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Rabshado Ka Bilaabmay Garoonka Hargaysa Stadium.

    Rabshado Ka Bilaabmay Garoonka Kubada Cagta Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabshado Ka Bilaabmay Garoonka Kubada Cagta Hargaysa

Hargaysa (HWN) Ciyaar maanta dhexmartay Gobolada Hawd iyo Daadmadheedh ayaa dhalisay muran ka dib markii gool ku laad uu lahaa gobolka Hawd ay isku maan dhaafeen garsooraha dhexdhexaadinayay ciyaarta iyo calanwadihii ka garsoorayey waxaana gudah garoonka ka bilaamay rabshad.




Ciidanka booliska ayaana bilaabay rasaas nool si’ ay ukala ka xeeyaan shacabka rabshadu dhexmaraysay. 

Waxana hada  xidhan wadada hormarta cisbitaalka Edna aadan oo taageerayaashu ku gubeen taayiro, waxa gaabi ahaanba istaagay isu socodka gadiidka iyadoo ciidanka booliskuna isticmaalayan raasas nool.


Sidoo kale war naga soo gaadhay sarakiil ka tirsan wasaarada ciyaaraha oo garoonka ku sugan ayaa sheegaya  in la gubay rooga garoonka yaala iyo taayiro.

Loading...
Loading...