Madaxweyne Farmaajo Oo Wali Rajo Ka Qabo Mudo Kordhin Loo Sameeyo
Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey inuu wali rajo ka qabo muo kordhin loo sameeyo xukuumadiisa iyo labada aqal ee baarlamaanka.
gudoomiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharaxiinta ku tartami doona madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo dawladuba ay ilaa hada dedaal ugu jiraan sidii ay ku heli lahaayeen mudo kordhin sharciga baalmarsan.

hogaamiyaha xisbiga Waddajir ayaa war uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu si adag ugu dhaliilay dawlada qorshayaal mudo kordhin ah oo ay ku hawlan tahay, isaga oo carabka ku dhuftay inaanu madaxweyne Farmaajo ogolayn doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo uu ka baqanayo guul daro uu la kulmayo oo uu ogyahay.
qoraalka hogaamiyaha xisbiga Waddajir ayaana u dhignaa sidan:-
MadaxweyneFarmaajo iyo taliskiisa nabadsugidda weli kama quusan muddo kororsi, sababtoo ah wey ogyihiin in aysan doorasho xalaal ah ku guulaysan karin. Waxey doorteen waddo qalaalase abuur ah oo uu billawgeedu yahay guddi doorasho oo xubno nabadsugid iyo CBB u badan.


0 





