Dawlada Shiinaha Oo Sheegtay Inay Kor Uqaadayso Xidiidhka Ka Dhaxeeya Somaliya

0
Friday November 13, 2020 - 15:58:10 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Shiinaha Oo Sheegtay Inay Kor Uqaadayso Xidiidhka Ka Dhaxeeya Somaliya

    "Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee qiray madaxbannaanida Soomaaliya"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee qiray madaxbannaanida Soomaaliya"

Muqdisho (HWN) Dowladda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheyno in ay si weyn u xoojiso xidhiidhka kala dhaxeeya Soomaaliya si ay uga baaqsato in uu ku cuslaado tartanka loogu jiro dalalka geeskaAfrika oo loo arko kuwo muhiim ah.



Wang Yi oo ah xubin ka tirsan Golaha Degaanka Shiinaha ayaa yidhi "Shiinuhu wuxuu diyaar u yahay inuu kala shaqeeyo Soomaaliya sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal loona gaari lahaa heer sare”, Masuulkan ayaa sidaasi ka sheegay mar uu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.


Isagoo xusay in Soomaaliya ay tahay saaxiib wanaagsan oo lagu kalsoonaan karo, walaalna u tahay Shiinaha, Wang wuxuu sheegay in Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Carabta iyo dhismaha wadajirka ah ee Hindisaha .


"Shiinaha ayaa ka mid ahaa dalalkii ugu horreeyay ee qiray madaxbannaanida Soomaaliya, Soomaaliyana waxay ahayd dalkii ugu horreeyay ee Bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha” ayuu yiri Wang.

Loading...
Loading...