Dawlada Somaliya Oo Ku Baaqday In La Joojiyo Dagaal Beeleedyo Ka Socda Dalka.
Muqdisho (HWN) Ra’isul wasaare ku xigeenka Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in qodobda lagaga halay shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada ay ka mid aheyd dagaalada kasoo cosboonaaday dalka isla markaana dowlad goboleedka Galmudug ay dowladda dhexe kala shaqeyneyso sidii loo xalin lahaa.
"Dagaalka waxaa ka wanaagsan dadka inay ka shaqeeyaan walaalnimada ,is aqbalaada iyo wada noolaashaha waayo dagaalka waxa uu saameeyay dad badana oo aan waxba galabsan marka waxaan ku baaqeynaa in dagaalka la jooiyo” ayuu yidhi.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu ku cel celiyay in is aqbalaada iyo walaalnimada ay ka wanaagsantahay dagaalka micnaha aan ku jirin kaasi oo saameeyay dad badan oo aan waxba galabsan.


0 





