"Garoonka Hargaysa Stadium ceeb ayaa ka dhacday " Xildhibaan Nacnac

0
Friday November 13, 2020 - 15:16:16 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Garoonka Hargaysa Stadium ceeb ayaa ka dhacday " Xildhibaan Nacnac

    " wasaaradda Ciyaaraha nus-qaan ayey ku tahay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

" wasaaradda Ciyaaraha nus-qaan ayey ku tahay"

Hargeysa, (HWN)- Xildhibaan Maxamed Diiriye Nac-nac ayaa ka hadlay fadeexadii hadhaysay toddobaadkan garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium xili ay ciyaar addag ku dhex maraysay xulalka Hawd iyo Badhan, kaas oo laydh la’aan noqday markii uu gabalkii dhacay iyadoo la shitay Mobilada iyo qashaafadaha Kamaradaha.



Xildhidhaan Nac-nac ayaa arrintaas ku tilmaamay nasiib darro weyn innaga oo 30 sanno Dowlad ahayn,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in arrintaas si deg –deg ah wax looga qabto, isla markaana aanay mar dambe dhicin arrintaas oo kale, waxaanu xusay in loo baahan yahay in garoonka loo sameeyo laydh u baxa xiliyada habeenkii haddii lagu ciyaarayo iyo haddii kaleba.


Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan :-"Garoonkii ceeb ayaa ka dhacday innaga oo 30 sannadood Dowlad ahayn ayaa garoonkeenii laydh la’aan looga cararay,wasaaradda Ciyaaraha nus-qaan ayey ku tahay, markaa waxaan leeyahay garoonka ha lagu ciyaaro ama yaan lagu ciyaarine waa in laydh loo sameeyo ama ha lagu ciyaaro ama yaan lagu ciyaarine inuu shidmaa ayaa loo baahan yahay,taas oo kale mar dambe yaanay dhicin .”Ayuu yidhi Nac-nac


Waxaanu intaas ku sii daray "Maqribka dabadii ayaa la isla gaadhay meeshii ayaa madoobaatay iminka qoladdii laga badiyey waxay leeyihiin waanu badin lahayn haddii meeshu ay iftiin leedahay.”Ayuu yidhi Nac-nac

Loading...
Loading...