Maayirrada Oodweyne Iyo Baligubadle Oo Ganafka Ku Dhuftay Go'aanno Ka Soo Baxay Maamulka Hargeisa
Maayirrada Oodweyne Iyo Baligubadle Oo Ganafka Ku Dhuftay Go'aanno Ka Soo Baxay Maamulka Hargeisa

Hargeisa(HWN):-Maayarrada Baligubadle iyo Oodweyne Cabdi iimaan Jaamac iyo Cabdixakiin Nuur Muuse, ayaa waxay ganafka ku dhufteen Ammarro ay soo saarreen Badhasaabka Hargeisa iyo Maayarka isla magaalada Hargeisa.
Labadda Maayir ee Oodweyne iyo Baligubadle waxa ay sheegeen in berrito iyagoo hoggaaminaaya taageerayaashoodda inay garroonka iman doonnaan, waxaannay sheegeen inay aad uga xun yihiin Hadalladii ka soo yeedhay Badhasaabka iyo Maayirka Hargeisa.

"Farriintayadani waxay daarran tahay annaga oo ah labadda Maayir ee Oodweyne iyo Baligubadle waxaannu ku faraxsannahay in Ciyaarta berrito hadba gobolka guulaysta aannu u Hambalyayno, weliba haddii uu HAWD baddiyo waxaan ku martiqaadi doonnaa Oodweyne, haddii uu Oodweyne badiyanna Maayirku waxa uu ku martiqaadi doonnaa Baligubadle, waa laba gobol oo Walaalo ah, waa laba gobol oo dadka isaga dhaw oo mataano ah, waxaanse ka digaynaa in aan garoonka lala soo gelin wax astaan Xisbi ah, hase yeeshee taageerayaashu hal kiddin ama albaab ayaa laga wada galayaa, waayo dad colaaddi ka dhaxayso ma nihin, meeshanna laba reer kumay wada ciyaarreen ee reer Somaliland ayaa wada ciyaarraaya, berritana iyagoo gacmaha is haysta oo aannu hoggaaminayno ayaannu soo galaynaa Garoonka." Ayuu yidhi Maayirka Oodweyne Cabdixakiin Nuur Muuse.
"Waxa Maayirka Hargeisa iyo Badhasaabku ay ka hadleen inaanay berrito taageerayaashu is dhex-galayn, markeedda horenna gobollada Daadmadheedh iyo HAWD dadka way iska xiggaan oo way isaga dhaw yihiin, waxaannan caddaynayaa inaanu berrito innagoo gacmaha is haysanna garroonka soo geli doonno, kii badiyanna waannu u Hambalyaynaynaa, weliba haddii uu Oodweyne baddiyo waxaan ku Casuumi doonnaa Baligubadle." Ayuu yidhi Maayirka magaalada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac.
Si kastaba ha ahaatee, Badhasaabka iyo Maayirka Hargeisa ayaa sheegay in taageerayaasha oodweyne iyo HAWD ay berritoole garoonka Hargeisa ka soo kala geli doonnaan laba Albaab, taasoo ay uga jeeddaan in la kala ilaaliyo oo ay dagaal dhex mari karo, taasoo ay si wayn uga soo horjeesteen Shacbiga reer Somaliland, gaar ahaan shacabka labadda Xul ee berrito ku ciyaari doonna Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.
Loading...
Loading...


0 





