Go'aamo Nabad Galyada Ka Soo Horjeeda Oo Lagu Kicinayo Dadweynaha Oo La Duldhigay Ciyaarta Hawd Iyo Daad-madheedh
Hargeysa(HWN):-Badhasaabka gobolka Maroodijeex iyo maayarka magaalada Hargeysa ayaa maanta shaaciyey go’aamo la dul dhigay ciyaarta dhexmari doonta gobolada Hawd iyo Daad-madheedh.
Labadan masuul oo maanta shir jaraa,id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in ciyaarta bari dhex maraysa labada gobol ee Hawd iyo Daad-madheedh amaro culus la dhigay taageerayaasha ka soo qayb galaya ciyaarta ee labada gobol la kala safan.
Waxay sheegeen in taageerayaasha labada gobol ay ka soo kala gali doonaan labada albaab ee garoonka, taageerayaasha Hawd ayaana lagu amray inay garoonka ka soo galaan albaabka dhinaca koonfureed halka taageeraasha Daad-madheedh ay ka soo gali doonaan albaabka dhinaca waqooyi ee garoonka Hargeysa Stadium.
Talaabada ay ku dhawaaqeen labada masuul ayaa u muuqda qorshe lagu kicinayo dadweynaha kaas oo xukuumadu u raadinayso marmarsiiyo ay fadeexado ugu soo jiido dadweynaha degmada Axmed Dhagax ee garoonku ku yaalo.
![]() |


0 






