Weftiga Dawladda Djibouti Oo Ka Hadlay Safarkoodda Hargeisa
Wasiirku waxa uu sheegay in ay Xukuumadda Muuse Biixi iska kaashan doonnaan Mashaariic dhinaca

Hargeisa(HWN):-Wasiirka Beeraha, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga ee dalka Djibouti Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali), oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in safarkiisu daarran yahay Mashaariic balaadhan oo uu sheegay inay iska kaashan doonnaan Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay Xukuumadda Muuse Biixi iska kaashan doonnaan Mashaariic dhinaca Biyaha, Beeraha, Kalluunka iyo barnaamijyo kale waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Waxaa ii mahada, sharafna ii ah annigoo waddankaygii labaad jooga xuduudkuunbaa nakala haya ee ummad ul iyo diirkeed ah ayaa ku wada nool, oo maanta annigu meel ajaaniba ma joogo, waxaanan u imi sidii walaalahay iskaashi isku dhaf ah oo xagga biyuhu ugu horayso, kuna xigaan Beeraha Kalluunka iyo waxyaalo kale oo badan, aan ka wada tashano oo aanu samayno iskaashi horumar dhaqaale, annigu siyaasad uma socdo Wasiir Horumarineed baan ahay”.
"Xuduudada aanu la leenahay Somaliland aaggaa naga soo horjeeda oo dhan inaan wax isla qabsano, inaan ceelal labada dhinacba ka samayno, waa dad isku mid ah, waa dad walaalo ah. Waa wajigii ugu horeeyey kuwa kalena waa ku xiggi doonaan, wasiirka biyaha waan la shaqayn doona, kuwa kalena waan wada tashan doonaa, cimiladii waa tan is bedeshay harraad baa ugu daran harraad qofkuu hayana wax ka horeeyaa ma jiraan”.
Loading...
Loading...


0 





