Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Korontada Qaalisan Iyo Dawlada Muuse Oo Ka Hadashay

0
Thursday November 12, 2020 - 16:05:27 in News by
  • Visits: 1202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Korontada Qaalisan Iyo Dawlada Muuse Oo Ka Hadashay

    Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Korontada Qaalisan Iyo Dawlada Muuse Oo Ka Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Ka Mid Noqotay Dalalka Ugu Korontada Qaalisan Iyo Dawlada Muuse Oo Ka Hadashay


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Sababaha Aabbaha u ah Qiimaha Qaaliga ah ee Laydhka Shacabka Somaliland isticmaalaan.




Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Jaamac Maxamuud Cigaal oo Shalay ka hadlayey Munaasibad lagu Daah-furay Mashruuc Laydh jaban lagu gaadhsiinayo Dadka ku nool meelaha Magaalooyinka ka baxsan ayaa sheegay in sababaha uu Laydhka Somaliland uga mid noqday kuwa ugu qaalisan Dalalka Adduunka ay ka mid tahay in laga dhaliyo Shidaal, Shidaalkuna yahay wax si fududna loo isticmaalo, Qiimo sarena ku yimaadda dalka.


Wasiir Cigaal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Caalamka waynu ugu qaalisanahay Laydhka, Waddanka Laydhka ugu qaalisan ayaa la innagu tiriyaa, waxaana sabab u ah Qaabka loo dhaliyo ama walaxda laga dhaliyo korontadaas oo ah waxa ugu qaalisan ee Laydh laga dhaliyo, taas oo Caalamka aanu jirin waddan ku tiirsani innaga mooyaane, taasi oo ah Shidaal, Naaftadan Caadiga ah ee aynu Baabuurta ku shubano ayaa Laydhka Waddankeena laga dhaliyaa, taasi qayb weyn bay ka tahay Laydhkeena halkii la doonayey (Qiimo ahaan) aan u dhawayn, Waayo? waa wax si fududna u gubta, qiimo siyaado ahna ku yimaadda.”

Wasiir Jaamac Maxamuud Cigaal waxa kale oo uu sheegay in sababaha laydhka qaaliyeeyay ay ka mid tahay habka uu Laydhku u gashan Magaalooyinka, kaasi oo aan ahayn sidii saxda ahayd "Waxa kale oo qayb ka ah (Qaaliga Laydhka) qaabka uu u dhisan yahay Qaybinta Dabku, kaasi oo ah Qaab aan habaysnayn ama aan ahayn qaabkii Magaalo laydh loo isticmaali lahaa, taasi oo aan ku jirno Wasaarad ahaan iyo Komiishanka imika la sameeyay iyo Shirkaduhuba dib u habaynteedii..”ayuu yidhi.

Loading...
Loading...