Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Sheegay In Laga Waayay Xanuunka Covid-19 Oo Hore Looga Helay.

0
Thursday November 12, 2020 - 10:47:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro Oo Sheegay In Laga Waayay Xanuunka Covid-19 Oo Hore Looga Helay.

    "Ilaahay bay mahad oo dhammi u sugnaatay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaahay bay mahad oo dhammi u sugnaatay"

Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro) oo dhawaan shaaciyay in uu ku dhacay xanuunka Coronavirus ayaa sheegay in baadhitaan dambe oo uu sameeyay laga waayay xanuunka.



Gudoomiyaha ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay baraha Bulshada, waxa aanu qoraalkaasi oo dhamaystirani uqornaa sidan:- "Ilaahay bay mahad oo dhammi u sugnaatay, waxa aan markale iska qaaday shaybaadhka Covid19, jawaabtuna waxa ay noqotay in xanuunkii la iga waayey, Alxamdulillah, Ilaahay ducadiiniina wuu ii aqbalay”.


Cudurka Covid-19 ayaa marlabaad ku soo laba kacleeyay wadamo badan oo ka midyihiin Maraykanka iyo UK.


Balse Somaliland xukuumada haatan talada haysaa kama warbixiso halka uu ka marayo dalkeeda xanuunkani.

Loading...
Loading...