Madaxtooyada Cusub Ee Laga Dhisayo Duleedka Magalada Hargeysa

0
Thursday April 25, 2019 - 15:50:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Cusub Ee Laga Dhisayo Duleedka Magalada Hargeysa

    DHULKA MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND LAYSKUQABSADO?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DHULKA MAGAALOOYINKA WAAWEYN EE SOMALILAND LAYSKUQABSADO?


Sidaa darteed imika taariikhdaa dib ugu noqonmaayo oo waxaad kaga bogan kartaa website ka hogaanka.org aragtideyda ku saabsan dhibaatooyinka arimaha dhulka ee magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo magalada hargeysa ugu horeyso.



Dadka aragtiyaha kala duwan ka bixiyey sida ay u arkaan madaxtooyada cusub ee Somaliland iyo meesha loo asteyeyba inta badan waxay ku doodaan in Somaliland madaxtooyo cusub u baahneyn,wakhtigana ay dalka ka taagan yihiin biyo la’aan iyo abaaro,kuwo kalana waxay u eekeysiiyaan in madaxweyne muuse biixi madaxtooyada dhisanayo.


Aniguse waxaa aan qabaa aragti taa ka duwan oo salka ku haysa saddex dhinaca:


1- Somalilalnd iney hesho madaxtooyo casri ah oo ku qalabeysan dhamaan agabka looga baahan yahay madaxtooyo casri ah waa muhiim sababahan awgeed,


– Jiritaan La’aanta xarun Madaxtooyo oo taariikh ahaan iyo shaqo ahaanba loogu talo galey Madaxtooyo soomaaliland leedahay. Waayo?Madaxtooyada hada ee Somaliland waa hoygii Taliyahii qaybta 26 ee xoogii dalka Somaliya waana hoy loogu talo galey taliye qaybeed oo ciidan sida aad filayo waxaa hindisey in dib u habeyn lagu sameeyo Gen.Gaani waxaana Dhameystirey Gen.Morgan oo isaga bedelay,balse waxa uu dhismuhu ahaa dhisme ka hadhey gumeystihii engriiska ee Somaliland xornimadeeda ka qaadatey 26 June 1960 waxay hoy u ahay talihii ciidamada Engriiska ee wakhtigaa sida aan taariikhda ku hayo.


2- Xulashada meesha ku haboon in ay noqoto xarunta looga taliyo dalka

Waxaa aan qabaa in ay ahayd in inta aan madaxtooyada meesha laga dhisayo inta la shaacin in daraasad lagu sameeyo meesha ku haboon ee madaxtooyada laga dhiso,taas oo dadkana rayi ururin lagu sameeyo meesha ay u maleenayaan in madaxtooyo laga dhiso eek u haboon.


In la darso baahiyaha ay meesha madaxtooyada laga dhisayaa ay dabooleyso,sida quruxda dabeeciga ah ee goobta,adeegyada sida,isgaadhsiinta,biyaha iyo nalka,caafimaadka, hayadhaha kale ee dawlada sida wasaaradaha waaweyn ee arimaha, gudaha, dibeda, difaaca, ciidamada boliska iwm.

Sidoo kale in aaney ka fogaan qaybaha kale ee dawlada sida haydaha sharci dejinta, iyo garsoorka.


Sahankaasi markuu dhaco waxaa aan anigu aragti ahaan doorashada kowaad ka dhigi lahaa xarumahan dawlada ee hore u jirey in mudnaanta la siiyo kuwaas oo kala ah:

  • Guri Badhasaabkii Engriiska ee British Somaliland hoy u ahay,Markii uu Dalku xoroobeyna hoy u ahayd Gudooyiyaashii iskaga kala dambeyey Gobolkii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa Magaalo madaxda u ahayd,hada se war uma hayo cida ku jirta iyo qaabka dhismahaasi yahay midna.
  • Guriga Xisbiga oo ku qabyoobey dhismo ahaan kaas oo uu hindisay dhismihiisa mid ka mida Gudoomiyayaashii soo marey Gobolkii waqooyi Galbeed waxaana uu ahaa Gen.Bile Rofle oo mashaariicda ugu badan ka hirgeliyey inta la og yahay xumaadii Siyaad Bare intii ay maamuleysey Magaalada Hargeysa.

Hadaba malaheyga malaha meelaasi Ayaan u samamin lahaa in laga dhiso madaxtooyada,balse meel kasta oo loo sahamiyaba waxaa haboon iney noqoto meel leh adeegyada looga bahan yahay in ay lahaato madaxtooyo wadan.


3) Madaxtooyada hada meesha loo qorsheeyey wax macluumada kama hayo sababta loo door biday iney halkaa noqoto,tankale ma cadeyn karo in ay qorshexukumadihii ka horeyey madaxweyne muuse biixi xorsheeyeen iyo in ay ka dhalatey fikir cusub oo dawladan muuse biixi la timi,si kastaba ha ahaatee waan soo dhaweenayaa in Somaliland yeelato madaxtooyo cusub oo casri ah. Arinta aan halkan ka xusayaa waxay tahay :-

Waxaa jira nin oday ah oo meesha loo qorsheeyey madaxtooyada mulkiyadeeda iska leh sida aan ka maqlay saxaafada oo uu cabasho iyo garnaqsi u mareyey dawlada iyo shacabkaba waxaa aan ku talin lahaa arimahan:

Mudane Maxamed Xasan Dalab waa Muwaadin Somalilander ah waana mid ka mida odayaasha reer hargeysa ama Somaliland sidaa darteed anigu uma arko in uu ka soo horjeedo wax lagu horumarinayo dalkiisa ama madaxtooyo cusub oo ay Somaliland yeelato,Balse waxaa muhiima in uu helo waxaa uu xaq u lee yahay ee ku saabsan goobtaas uu sheeganayo inuu lee yahay waa in dawladu dheysato,weliba si cadaalad ah oo sharciga dalka waafaqsan oo raali uu ka yahay loo mareeyaa xaalada ninkaas waayo mar walba waa in dawladu ilaalisaa cadaalada muwaadiyiinta,anigu ma qabo in madaxweyne muuse biixi ka qaadayo oo uu isagu shaqsi ahaan u dhisanayo balse waa in uu isagu u cadaalad falaa dawlada iyo muwaadinka markey isasa soo waajahan arintan oo kale,muwaadinkuna wuxuu xaq u lee yahay in uu dacwad ku soo oogo dawlada hadii ay ku xadgudubto xaquuqdiisa dhankastaba ah.Arintaana waa in dhaqso loo eegaa sida ay ila tahay.


Mahadsanidin Dhamaantiin

M J Farah


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...