Fitista Iyo V8 Faa, Iido Kee U Leh, Dal Hadduu Faqiir Yahay, Faqashfidisay Baalaha Ma Fokoska Saartaan.

0
Wednesday November 11, 2020 - 09:30:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fitista Iyo V8 Faa, Iido Kee U Leh, Dal Hadduu Faqiir Yahay, Faqashfidisay Baalaha Ma Fokoska Saartaan.

    W/Q: Ismail handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail handuleh

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B].

TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTATAASHEEDA.

 

1-FITISTA IYO V8 FA’IIDOKE ULE,DAL HADDU FAQIR YAHAY,

   FAALEEYOO DADWEYNUHU,FIKIRADAHOODAY DHIIBTEEN,

   FOODKII WAXAY KU BIXIYEEN,FAAMLI KORIS INAY TAHAY,

   FITISTAA YAR GAADHIGU,V8DA WUU KA ROON YAHAY.

 

2-FOOLXUMIDA YEELKEEDE,DHALINYARADII FOOGNAYD,

    FARAHA QAAR KU TAAGNAA,U FEYDNAA TAHRIIBTAA,

    FADHIISTO CAGAA DHIGAY,FITIS SABABTA LEEDAHAY ,

   FALALKIINAN QAARKOOD,KA FIIRSADA ADOON FALIN.

 

3-FICIL LA’AANTA DOOFAAR,FAXAMKA LOOGU SHIDAYA,

    FAAN BAABUUR MA JOOGNE,FILIMKEENU WAA NOLOL,

    FAALAADHAHA CADAAWUHU,FIIQANAAYO MA OGTIIN,

    FARMAAJO SAARA FOKOSKO,FITISIYO WARKEED DAA.

 

4-FELEGYADA DABAYLUHU,GOBOLKAN KUMA FAYOOBO,

    FIINTIIBA DHAWAAQDO,WAAKAA GALAWGI FOODHYE,

    FOORAHANI COLAADIYO,FASALADAYS BEDELAYOON,

    FADHIISANAYNIN MEELOO,FARDAHAY FANAYSTEEN.

 

5-FAAFITAANKA CUDURIYO,FALFALIIDHKA FIRIDHADA,

    FADHIYAAN LAGU IMAN,FAMKA XIDHA DHEGA FURA,

    FOOJIGU GAARA YEESHO,FOGAAN ARAG ADEEGSADA,

    FARO GELISAY JAARKOO,FAQASH FIDISAY BAALAHA.

                ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH,
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...