Tigreega Itoobiya: Ninba Waa Mare Mus Ma Kula Koray
Boqorradii Tigree ee Itoobiya xukumi jiray waxa ugu dambeeyey Boqor
Teodoros oo sannadkii 1863-kii is-diley, waxaa xilkii kala wareegay Boqor
Yohannes 4-aad oo dhintay sannadkii 1889. Geeridii Yohannes waxa ay soo
afjartay boqortooyadii guunka ahayd ee (Axum Empire) ee soo taxnayd illaa
qarnigii Caamul-fiil, wixii wakhtigaasi ka dambeeyey waxa la wareegay Boqor
Mililik oo Axmaaro ahaa. Qoomiyada
Axmaarada ayaa ku maahmaahda” Shabeel dabada lama
qabsado, haddii aad qabsatana lama sii daayo,waayo wuu kugu soo Jeesanayaa oo wuu ku cuni”.
Tabtaasi oo
kale ayey Tigreegu shabeelkii shalay ay dirawalka ka ahaayeen dabada qabsadeen
oo ay sii daayeen, waanu ku soo jeestay oo iyagii ayuu cunayaa. 28-kii sanno ee
ay xukunka hayeen qoomiyada Tigreey waxa ay beerteen colaad dhan kasta ah.
Qoomiyada Axmaarada waxa ay ka qabsadeen 7 magaallo oo ay hore lahaayeen, kuna
beereen dad reer Tigree ah, sidoo kale waxa ay col daahood go’ay ay yihiin
dawladda Erateriya oo dhammaaan maamulka haatan ugu awoodda badan maamulka
Tigree waxa ay ahaayeen raggii horkacayey colaadii dhexmartay Itoobiya iyo
Erateriya.
Xuduuda ugu
ballaadhan waxa ay maamulka Tigree la wadaagaan dalka Erateriya iyo qoomiyada
uu xafiiltan weyni ka dhexeeyo ee Axmaarada. Cafarta oo dhinaca bari xuduud
kala leh Tigree, waxa ay ka tirsanayaan colaad iyo inay siday doonaan ka
yeeleen markii ay xukunka haysteen. Talladaba kumay darsan in mar uun uu
gacantooda ka bixi doon xukunku oo jaarkoodan ay colaadsadeen iyaga maamuli
doono. Dawlada Erateriya waxa ay qaadaysaa beydkii gabaygii Cali Dhuux uu ku
durayey Sayidku markuu jabay ee ahaa” waa lagu digtaa ruux hadduu kuu jiraye,
bal dayaayey wadaadkii waa sii dabayshadaye”.
Warbaahinta
Erateriya oo dhinacooda ka faa’iidaysanaya duullaanka lagu hayo madax ay col
yihiin ayaa ku warrmaysa sidan” 04 Nov 2020 –
(EP) Thousands of fleeing TPLF soldiers from Humera, Gondar region in Ethiopia
have crossed the border and surrendered to Eritrean Army, a source tells
Eritrean Press”. Tigreegu waa bulsho qab weyn oo caan ku ah dagaal ku faanka,
madaxweynaha deegaanka Tigree Debretsion Gebremichael, sidoo kalena ah
guddoomiyaha jabhada TPLF ayaa isaga oo la hadlaya Raysal wasaaraha Itoobiya
yidhi” Tigree waa xabaalaha lagu aaso kuwa aamisan nidaamka keligi-talisnimada,
Adwa halkan ayey ku taalaa, dhergigiina waad la socotaan casharkii aanu u
dhignay”.
Hadalka
madaxweynaha Tigree wuxuu ku hadlay luuqada faanka iyo kibirka dagaalku faanka
lagu yaqaanno bulshada Tigree, wuxuu se hilmaansan yahay in xaaladihii dagaal
ee Adwa War ee Faashiitihii Talyaaniga lagu jebiyey iyo kii ay jabhadaha
is-bahaysinaya ee TPLF iyo EPLF ay afka ciidda ugu dareen taliskii Mingistu ay
kala marxalado yihiin wakhtigan. Madaxda Axmaaradu waa niman wax bartay oo sida
Tigreega bannaan ismay dhigin, inay toos uga horyimaadaan dawladda Abiya, balse
way dhexgaleen oo iyagii ayaa toos uga dhex hadlaya sida muuqata. Kibirkii
Tigreegu markii ay xukunka hayeen waa kuwii konton kun oo askari oo Itoobiyaan
ah u soo diray dawladdii Cabdilaahi Yuusuf iyo Raysal wasaare Cali Maxamed
Geedi, ee taangigii Tigreegu uu dhex qaaday magaalooyiinka Soomaaliya. Kamay
leexan waddadii ay hore u mareen nidaamkii ay maamulladii Axmaaradu ula dhaqmi
jireen Soomaalida.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!