Xulka Daadmadheedh oo u Gudbay Wareega Afar Dhammaadka Tartanka Gobollada Somaliland

0
Tuesday November 10, 2020 - 19:43:18 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Daadmadheedh oo u Gudbay Wareega Afar Dhammaadka Tartanka Gobollada Somaliland

    Xulka Daadmadheedh oo u Gudbay Wareega Afar Dhammaadka Tartanka Gobollada Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Daadmadheedh oo u Gudbay Wareega Afar Dhammaadka Tartanka Gobollada Somaliland

Hargeisa(HWN):-Xulka Gobolka Daadmadheedh ayaa u gudbay wareega Afar dhammaadka Tartanka Kubadda Cagta ee gobollada, Kadib markii ay Afar gool iyo Eber ay kaga badiyeen xulka kubadda Cagta ee gobolka Sool oo ay galabta ciyaar adag iskaga horyimaadeen Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium.



Ciyaartan oo ahayd mid aad u adag oo labada xulba ay soo bandhigeen ciyaar kulul, waxa ay qaybtii hore lagu kala baxay barbar-dhac gool la’aan ah, hase ahaatee markii qaybtii labaad la iskula soo noqday ayaa xulka gobolka Daadmadheedh uu la yimid afar gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey ciyaaryahanka Sharmaarke, halka labada gool ee kalena ay kala dhaliyeen Daa’uud Lucio iyo Wardi Axmed.

Xulka Gobolka Daadmadheedh waxa ay wada ciyaari doonaan ciyaarta Afar dhammaadka xulka gobolka Hawd oo hore rigooreyaal ugaga soo badiyey Xulkii gobolka Badhan.

Sidoo kale, xulka Maroodi jeex ayaa ciyaarta afar dhammaadka la ciyaari doona xulka ku guulaysta ciyaarta ay Arbacada Beri iskaga hor imanayaan Xaysimo iyo Gabiley.


Loading...
Loading...