Qoysas Dan-yar Ah Oo Loo Qaybiyay Kun Neef Oo Adhi Ah

0
Tuesday November 10, 2020 - 17:17:22 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoysas Dan-yar Ah Oo Loo Qaybiyay Kun Neef Oo Adhi Ah

    Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland ayaa deeq Xoolo ah u qaybisay boqol qoys oo ku dhaqan deegaanka Labi-guun oo ka tirsan gobolka Togdheer.


Isu-duwaha wasaaradda xannaanada xoolaha gobolka Togdheer Cabdi Muuse Jaamac (Cabdi Hindi) ayaa faahfaahin ka bixiyey deeqdaas xoolaha ah ee ay u qaybiyeen boqolka qoys kuwaas oo ay saameysay abaartii dalka ka dhacday, wuxuuna sheegay in xoolahaas tiradoodu tahay kun neef oo Adhi ah.


Agaasimeyaasha waaxyaha wax soo saarka Mukhtaar Cabdi Cilmi iyo qorsheynta ee wasaaraddaasi Xannaanada Xoolaha Farxaan Axmed Yuusuf, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin deeqda xoolaha ah ee ay u qaybiyeen dadka deegaanka Labi-guun, oo ahaa dad xoolo dhaqato ah, balse ay Xoolohoodii ka saartay abaartii dalka ku dhufatay.

Guddoomiyaha deegaanka Labi-guun Axmed Xaaji Xasan Buraale, oo halkaas ka hadlay ayaa Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo guud ahaan Xukuumadda Somaliland uga mahad-celiyey deeqdaas Xoolaha ah ee lagu wareejiyey dadka deegaanka Labi-guun ee gobolka Togdheer.

Geesta kale, guddoomiyaha shirkaddii qaadatay qandaraaska Xoolaha Maxamuud Abokor Maxamed, oo goobtaas ka hadlay ayaa sheegay inay keeneen Xoolo aad u wanaagsan oo ay soo dhaweeyeen dadka loo qaybinayey, isaga oo intaas ku daray inay Xukuumada uga mahadnaqayaan Xooleynta dadka u baahan in la taageero lana Xooleeyo.

Loading...
Loading...