Hargeysa:-Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dimuqraadiyadda Iyo Dawladnimadda

0
Tuesday November 10, 2020 - 17:03:09 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:-Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dimuqraadiyadda Iyo Dawladnimadda

    Hargeysa:-Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dimuqraadiyadda Iyo Dawladnimadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa:-Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Dimuqraadiyadda Iyo Dawladnimadda

Hargeisa(HWN):-Wasaaradda Xidhiidhkla Goleyaasha iyo Arrimaha Distoorka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka daahfurtay Dood Cilmiyeed ku saabsan Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda.



Kulankaas waxa ka qayb galay wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka Somaliland, Guddoomiyaha komishanka maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha, Arrimaha gudaha, iyo Guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Ugu horeyntii waxa madashaas ka hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha Jamaal Cabdi Xasan iyo arrimaha gudaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) oo faahfaahin ka bixiyey u jeedada tababarkaas oo ay sheegeen in ay tahay sidii loo fahmi lahaa nidamka wanaagsan ee Dowladnimada iyo Dimuqraadiyada.

Waxa kale, oo halkaas ka hadlay Dr. Jaamac Muuse Jaamac iyo Guddoomiyaha komishanka Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa Dayib Xaaji Aadan oo soo dhaweeyey dood Cilmiyeedkaas tilmaamaysa muhiimada ay leedahay Dawladnimaddu iyo ku dhaqanka Dimuqraadiyaddu.

Gebogebadii wasaaradda wasaaradda xidhiidhkla goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay awoodda saarrayaan sidii ay dadku u fahmi lahaayeen qiimaha barashada Dawladnimada iyo Dimuqardiyada.

Loading...
Loading...