Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Aragtida Uu Ka Qabo Talaabada Laga Qaaday Maamulka Tigrey-ga

0
Tuesday November 10, 2020 - 12:47:54 in News by
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Aragtida Uu Ka Qabo Talaabada Laga Qaaday Maamulka Tigrey-ga

    Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Aragtida Uu Ka Qabo Talaabada Laga Qaaday Maamulka Tigrey-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Oo Ka Hadlay Aragtida Uu Ka Qabo Talaabada Laga Qaaday Maamulka Tigrey-ga


Jigjiga(HWN):-Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Cumar ayaa ka hadlay dagaalka ay dawlada federaalka Itoobiya ku qaaday maamulka Tigrey.

Image may contain: 1 person


Madaxweyne Cagjar oo la hadlay telefishanka Aljazeera ayaa sheegay in raysal wasaare Abiy Ahmed uu dulqaad badan u muujiyey maamulka Tigrey oo qaadayey talaabooyin ka soo horjeeda dawladaa dhexe.


Madaxweyne Cagjar waxa uu shaaca ka qaaday inuu muddo badan ku taamayey in la weeraro xisbiga Tigreega ee TPLF maadaama oo ay sameeyeen khaladaad badan waxaanu yidhi:


"Dulqaadka Abiy Axmed uu horray ugu muujiyay TPLF, aniga ahaan in badan ayaan ka xanaaqsana oo aan ku dhaliilayay. Meelo badan ayaan ka sheegay in dhidibada loo siibo kooxda TPLF;haddase madax badan ayaa nagu bogaadinaya"

Madaxweyne Mustafe wuxuu intaas ku daray in ay TPLF ay xasuuq u gaysteen Soomaalida. Sidaas wuxuu u sheegey Al-Jazeera.

Loading...
Loading...